DAAWO:- Isagoo Korneel ah oo Ilmeynaya ayaa Laba Xidigle ka Eryay Gurigiisa.

34692740

Dowladda Federaalka waxay dhibaato badan ugaysatay shacabka ku dhaqan Magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa umadda xoog looga saaray guryo sanado ay ku noolaayeen iyadoo aanan loo heynin wax xal ah ama goob ay degaan halka shisheeyaha la siiyay dhul ballaaran oo ku yaala Muqdisho.

Dowladda dhexdeeda waxaa lagu ihaaneystaa saraakiisha Ciidamada ee qabiil ahaan aanan ku badneyn Muqdisho.

Nin la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guryo badan ka iibsaday Muqdisho halka kuwa kale uu ku qaatay baad isagoo adeegsanaya awoodda madaxweynaha.

Korneel udhashay beesha Mareexaan oo ahaa darawalkii madaxweyne Siyaad Barre ayaa laga faramaroojiyay guri uu ku leeyahay Muqdisho.

“Xaaskayga uur leh gabadh an dhalay oo yana uur leh ilmihi ayaa ka dilaacay aniga saas ayaa la iradinaya waxa iraadinayaa waa askari ana col ayaan ahay waa qabiil waxa la igu eryanaya”  ayu yiri korneel Xaashi.

Isagoo Ilmeynaya ayuu la hadlay saxaafada ee hoos ka daawo muuqaalka sheekadaan.

XIGASHO-Sabaax.com

34694778