Siyaasiga Cabdi Shire ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu gumeysi ku jiro, una baahan yahay wax badbaadiya, isagoo tusaale usoo qaatay sida dowladda Itoobiya ugu amar taagleeneyso dowladda iyo dadkii mudada dheer la shaqeynay ee dalka kusoo hogaamiyay.
Waxa uu sheegay in isaga iyo xildhibaano kamid ah baarlamaanka isku diyaariyeen iney aadaan magaalada Garbahaarey, laakin markii ay diyaaradda ka raaci rabeen Muqdisho lagu war galiyay in sarkaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan safaaradda Xabashida Muqdisho ku leedahay uu arrintaasi diiday.
Wuxuu sheegay in arrintaasi ay tahay wax laga ciishoodo, laakin ceebta ugu daran ay ku dhacayso Xassan Sheekh oo ah madaxweynaha dowladda, kaasoo sheeda ka daawanaya Itoobiya oo maamulo u sameeneysa gobolada wadanka.