DHAGEYSO:-C/Raxmaan Baadiyoow:Caga-barar iyo Gaajo ayaa Kusoo Wajahan Shacabka Muqdisho Haddii Xukuumaddu isbedel dhanka dhaqaalaha ah la imaan wayso

34694864

Wax kabadan sanad magaalada Muqdisho waxaa kajira dhaqaala xuma baahsan oo saameyn ba’an ku yeelatay bulshada ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.

Shaqa la’aanta ama Baaga muundada ayaa halakaysay malaayiin kamid ah dhalinyarada caasimadda ku dhaqan taasi waxaa loo sababaynayaa xukuumadda Xasan Gurguurte oo kaabayaashii dhaqaalaha wadanka gacanta u gelisay hay’ado iyo dowlado shisheeye.

Siyaasiga Cabdi Raxmaan Baadiyoow oo kaalimaha hore ka galay doorashadii madaxtinimada soomaaliya ee sanaddii 2012-ka ayaa ka digay in Muqdisho uu ka dilaaco caga barar haddii markale uu dib usoo laabto Xasan Sheekh.

 Wuxuu sheegay in gaajo iyo faqri daran ay ku dhufteen malaayiin kamid ah muwaadiniinta soomaaliya.

Siyaasiga Cabdi Raxmaan Baadiyoow  ayaa sheegay dhibaatada dhanka dhaqaalaha ee Muqdisho ka jirta kuna  eedeeyay xukuumadda Xasan Sheekh oo dekadda iyo garoonka ugacan gelisay hay’ado shisheeye Turkiga laga leeyahay.

Halkan ka degso wareysiga Baadiyoow MP3

Voice Of Somalia- Somali Leaks