Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay sawirradii ugu horreeyay ee muujinaya dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Page-ka Facebook-ga idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahiyay sawirrada waxaana kasoo muuqaanayay ciidamada mujaahidiinta oo xoog ku gelaya saldhigga ciidamada Uganda ee degmada Janaale.Facebook-ga Idaacadda Andalus oo dhowr mar laxiray ayaa dib usoo laabtay waxaana durbadiiba lagu daah furay sawirro khaas ah oo banaanka soo dhigaya khasaaraha lixaadka leh ee ciidamada shisheeyaha Uganda kasoo gaaray dagaalkii degmada Janaale.
Sawirrada ayaa laga dheehan karaa heerka uu gaarsiisanyahay khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM iyadoona Meydadka askarta iyo saraakiisha Uganda ay daadsanyihiin dhulka dogga ah ee jiinka wabiga shabelle.