Uganda oo Sheegtay in Ciidamadeeda Soomaaliya Ku sugan aysan wax mushaar ah qaadan Muddo 9 bilood ah.

34700694

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in muddo 9 bilood ah aysan ciidamadeeda ku sugan soomaaliya aysan wax mushaaran ah qaadan.

Taliyaha ciidamada Uganda UPDF ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda soomaaliya ka dagaalamaya ay ka sheeganayaan dhaqaala xuma baahsan isagoona wadamada reer galbeedka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan duruufaha ku heysta Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliyaha guud ee soo duulayaasha AMISOM Jeneraal Jonathan Renaud ayaa booqasho ku tegay magaalada Janaale ee shabeelaha Hoose halkaasi oo isbuucii lasoo dhaafay lagu dilay ku dhawaad 100 askari Ugandhays ah.
Jonathan Renaud oo wajigiisa murugo laga dareemayay ayaa wixii ka dhacay saldhigga ciidanka Uganda ee Janaale ku tilmaamay wax laga naxo.

1,9,2015 weerar qorshaysan oo ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen Janaale waxaa lagu dilay ugu yaraan 50 askari halka 50 kale la la’yahay sida ay saraakiisha reer galbeedka sheegteen halka warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay in dhimashadu 80 askari ka badantahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com