DHAGEYSO:-Aqoonyahan ka Hadlay Waxa Siyaasiyiinta Soomaalida ku Qasbaya Hirgelinta Federaalka.

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa si qota dheer uga hadlay Federaalka iyo waxyeelada uu u leeyahay Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Wuxuu sheegay in Federaalka ay qaataan dadka kala Diina, kala dhaqanka iyo kala luuqadda ah, laakiin aanay qaadan Umadda Muslimiin ah oo intaasba wadaaga.

34440764

Cabdulaahi Cali Hiirad oo ay waresatay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in hogaamiyaasha maanta jira ee Soomaalida ah aanuu ku jirin nin u qalma booska uu joogo.

Wuxuu tilmaamay in mid waliba si uu madax u sii ahaado dhaqaalena u helo uu kaalintiisa ka qaadanayo diban daabyada shisheeyuhu Soomaalida ku hayo, dhibatooyinkaas oo federaalku ugu horeeyo.Wuxuu ka sheekeeyay damaca shisheeyaha dalka ku soo duulay oo ay Kenya iyo Itoobiya ka mid yihiin.

Halkan Ka Dhageyso Cabdulaaahi Cali Hiirad