Shariif Shaacir oo hadda ah nin da’ ah kana soo mid ahaa ciidankii Kumaandooska ee dalka ayaa sheegay inuusan waligii filaneyn inuu soo bixi doono askari Soomaali ah oo Xabashida Itoobiya iyo kuwa lamidka ah ka hoos shaqeeya.
Wuxuu sheegay in ciidankii hore ee dalka ay ahaayeen kuwa wadanka ku dhinta islamarkaana iskala weyn shisheeyaha, laakin wuxuu sheegay inaanu garaneyn wax uu ku tilmaamo ciidamada DF ee maanta la shaqeeya shisheeyaha, kuwaasoo waliba iyaga awaamiirta la siiyo.
Tusaalooyin muujinaya farqiga u dhaxeeya ciidamadii hore iyo kuwa DF ayuu soo bandhigay, wuxuuna sheegay in ciidanka kaliya ee Soomaaliya ka jira maanta ay yihiin kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo dalka u diidan shisheeyaha.
Sida laga dheehan karayo sarirka, waa sarkaal Soomaali ah, waxaa isagoo dalkiisa jooga baaraya askari shisheeye.