Gudoomiyaha dowlada Federaalka ugu magacaaban degmada Qoryooley ninka lagu magacaaba Muxamed Xaaji Cusmaan wuxuu uu si aad ah kaga hadlay dagaalkii xooganaay ee ciidamada Shabaabku ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Gudoomiyaha ayaa qiray in dagaalka looga itaal roonaaday’isoogana intaasi ku daray in isaga iyo guud ahaan maamulkiisa ay u baxsadeen duleedka degmada Qoryooley islamarkaana ciidamada Shabaabku ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Muxamed Xaaji Cusmaan ayaa sabab uga dhigay jabka dowlada federaalka kala kulantay dagaalkii ka dhacay degmada Qoryooley ineysan jirin wax ciidan Boolis iyo Milatari ah oo ka shaqeeya degmada Qoryooley,iyadoona saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi lagu arkay meydadka sadex askari oo ka tirsan maleeshiyaadka dowlada Federaalka.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Dowlada Federaalka Ee Degmada Qoryooley.
Voice Of Somalia-Somali Leaks