Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa xaqiijinaya in Xoogaga Al Shabaab ay qabsadeen deegaanka Golweyn ee istiraatiijiga ah.
Shalay gelinkii dambe ayay Xoogaga Al Shabaab dagaal kooban kadib waxay gacanta ku dhigeen deegaanka kadib markii ay ka eryeen maleeshiyaad taabacsanaa DF-ka.
Sidoo kale ciidamada Alshabaab ayaa qabsaday deegaanka Cambareey oo kala qeybiya degmooyinka Buula Mareer iyo Baraawe,ciidamada AMISOM oo khasaara lixaad leh kala kulmay weerarada isdaba joogga ah ee Al Shabaab ayaa umuuqda kuwa isku aruurinaya saldhigyada waaweyn oo ay ku leeyihiin Shalaanbood iyo Baraawe.
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Janaale ee lagu dilay wax kabadan 80 askari ayay ciidamada Uganda faarujiyeen illaa iyo 4 deegaan oo ay kamid tahay degmada Kurtun waareey.
Voice Of Somalia-Somali Leaks