Muran la xiriira halka uu ku dambeeyo meydadka askartii dhawaan lagu laayey weerarkii Jannaale ayaa ka taagan Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kaas oo u dhexeeya taliska ciidanka military-ga Uganda ee UPDF-ta iyo qoysaska ay ka dhasheen askartii dhawaan lagu xasuuqay weerarkii halyeeynimo ee lagu qaaday xerada ciidamada Uganda ee degmada Jannaale.
Qoysas aad u fara badan oo lagu soo wargeliyey in wiilashooda lagu dilay dagaalkii Jannaale ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay hortaagnaa Xafiisyada ciidanka kuwaas oo dalbanaya in lagu soo wareejiyo meydadka askartooda, si ay u aqoonsadaan, una duugtaan balse ilaa hadda qoysaskaas jawaab cad kama helin dowladda iyo taliska ciidanka Uganda ee UPDF-ta.
Dowladda Uganda ayaa horay u sheegtay 12 askari oo kaliya looga dilay dagaalkii Jannaale kuwaas oo goordambe ay meydadkooda ka dajisay magaalada Kampala si loogu wareejiyo qoysaskii ay ka dhasheen balse meydadkaas ayaa buuq iyo xiisad horleh sii kiciyey markii qoysas aad u fara badan ay isku qabsadeen meydadkii laga dajiyey garoonka Entebbe ee dalka Uganda.
Wargeyska Daily Monitor ee laga leeyahay dalka Uganda ayaa shaley baahiyey in qoysaska qaarkood la siiyey meydad khaldan oo aanan ahayn wiilashii ay raadinayeen, taasna ay ku qasabtay in ay iska soo celiyaan oo markale ay dowladda ka dalbadaan in lala raadiyo meydadka caruurtooda ama loo sheego haddii ay weli ku maqan yihiin gacanta mujaahidiinta oo aanan nolol iyo geeri lagu heynin.
Dadka murugeysan ee baadigoobka ugu jira meydadka Wiilashooda waxaa ka mid ah qoys ka soo jeeda degmada lagu magacaabo Busia oo raadinaya nin lagu magacaabo Emmanuel Wanyama. Waxay sheegeen in magaca wiilkooda ay markii hore ku arkeen liiska meydadkii laga soo dajiyey garoonka Entebbe balse markii ay soo qaateen oo ay naxashka ka fureen uu noqon waayey wiilkooda.
“Wanyama wuxuu ahaa nin culus oo xoogleh, Sidoo kale wuxuu gacmaha ku lahaa dhaawac weyn oo la garanayo, hadda ka hor ayuu gacmaha ka gubtay isagoo yar, laakiin markii aan furnay sanduuqii uu meydku ku jiray, waxaan ogaanay in meydka meesha ku jira uusan isagu ahayn, wuxuu ahaa qof gaaban meydka aan aragnay, mana jirin wax calaamad ah oo muujinaya in uu ahaa wiilkeena” ayuu yiri James Odoki oo adeer u ah askariga la baadigoobayo.
Isagoo warkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in meydadka ay dib ugu celiyeen halkii ay ka soo qaadeen, ayna joojiyeen baroordiiqii iyo qabri qodistii la sameynayey wiilkooda. “Xaqiiqdii waan wareernay, ma garaneyno wax aan sameyno, hadda Xaaskiisa iyo hooyadiisa ayaa qaaday meydaka uu u celiyey halkii laga soo qaaday” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. James Odoki.
Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab iyo Saraakiil Military oo reer galbeed ah ayaa horay u xaqiijiyey in wax ka badan 50 askari oo Ugandhees ah lagu dilay weerarkii Jannaale, Islamarkaana sidoo kale tiro kale oo intaas oo kale ah ay baxsadeen kuwaas oo aanan nolol iyo geeri midna lagu heynin.
Qoyskan ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ay la hadlaan wiilkooda ay ahayd maalintii Axadda oo ku beegneyd laba maalin ka hor inta uusan weerarku dhicin, waxayna sheegeen in uu ku sugnaa degmada Jannaale ee uu weerarku ka dhacay. Dowladda Uganda oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu soo gaarayey cabashooda isdaba joog ah ayaa sheegtay in meydadka laga qaadi doono DNA-ga si loo helo eheladooda marka loo eego hadal uu jeediyey afayeenka ciidanka Uganda gaalka lagu magacaabo Pady Akunda.
Qeylo dhaantan ka imaaneysa qoysaska reer Uganda ayaa ku soo aadeysa xilli gelinkii dambe ee shaley ay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab xaqiijisay in ay gacanta ku heyso maxaabiis Ugandhees ah oo lagu qabtay dagaalkii Jannaale, Islamarkaana sheegtay in ay dib ka soo gudbin doonto magacyada, darajooyinka iyo faafaahinada ku aadan maxaabiistaas.
Ciidamada Uganda ayaa todobaadkii hore meydadka ilaa 12 askari ka dajisay garoonka Entebbe ee dalka Uganda kuwaas oo ay sheegtay in ay yihiin tirade kaliya ee looga dilay dagaalkii Jannaale, Iyadoona xustay in aysan jirin wax askar oo kaga maqan gacanta Mujaahidiinta balse waxaa hadda muuqaneysa in sheegashooyinkooda beenta ah ay hadda wajahayaan taxadi adag oo kaga imaanaya Mujaahidiinta iyo qoysaska reer Uganda oo baadigoob ugu jira in ay helaan meydadkii wiilashii looga laayey dagaalkii Jannaale.