Alshabaab iyo Ugandha oo uu ka dhex taaganyahay Dagaal Warbaahineed.

34724231

Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Jannaale waxaa taagnaa dagaal dhanka warbaahinta oo udhaxeeya Alshabaabul Mujaahidiin iyo Dowladda Ugandha.

Weerarkii Janaale shabaabku waxay sheegeen inay ku dileen 50 askari hub badana ay kula wareegeen.

Warkaasi waxaa qiray oo shabaabka ku raacay diblumaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo sheegay in Ugandha laga dilay 50 Askari tiro intaa la egna la la’yahay.

Ugandha durbadiiba wey beenaysay tirada intaasi la eg in laga laayay taa badalkeedana waxay ku dooday inay ka dhinteen 12 askari.

Alshabaabul Mujaahidiin markale waxay soo bandhigeen meydadka askarta Ugandha ee lagu laayay dagaalkii Janaale.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in camaliyad uu fuliyay naftii hure ay ku dhinteen in ka badan 40 askari.

Dhimashada askarta Ugandha inay ka badantahay 12 askari waxaa qiray ehalada wiilashooda lalaayay kuwaasi oo sheegay in loo keenay maydad aanan ahayn wiilashooda taasina waxay qeexeysaa in wali ay ka maqanyihiin askar nolol iyo geeri aanan midna lagu heynin.

Alshabaab markale waxay sheegeen inay hayaan maxaabiis udhashay Ugandha oo ay ku qabteen dagaalkii Janaale.

“Waxaa dhici karta inay haystaan  dareyska ciidanka. Waxaana qabaa inay usoo xiri doonaan dadka ay soo bandhigayan.”ayuu yiri paddy akunda oo uhadlay Ugandha.

Hadda kubada waxay jirtaa dhanka Alshabaab iyaga ayaana looga fadhiyaa inay soo bandhigaan cadeymo muujinaya maxaabiista ay ka hayaan Ugandha.

Haddii lasoo bandhigo maxaabiis waxay fadeexad cad ku noqon doontaa Dowladda Ugandha waxayna kicin doontaa dadka ugandha ee beenta loo wariyay.