WARBIXIN+SAWIR:-Amisom oo Laga Nacay Koonfurta Soomaaliya.

amisom

Sawirka waa mid macno weyn xanbaarsan marka aad qiimeysa Heerka Soomaalida iyo Amisom kala Joogaan.

Koonfurta Soomaaliya ayay isku fidiyeen Amisom laakin ma aysan soo dhaweysan Soomaalida bal waxay kula dhaqmeen tacadiyo kala duwan.

Taasi waxay keentay in Gobalada Soomaaliya dadku ku nool ay ku farxaan marka Amisom ay faarujiso Magaalo ama Askar laga laayo.

Ciidamada Ugandha oo tacadiyo badan gaystay ayaa kasbaday carro ka timaada shacabka Shabelaha Hoose gaar ahaan Magaalada Marka.

Maxaa kaaga muuqda sawirka hore oo oday Soomaaliyeed uu isku dhigay gaari gaashaaman oo ay la socdaan ciidamada Amisom.?

Jawaabta soo dagdagayso ayaa ah in is badal weyn uu ku yimid Dareenka Soomaalida iyo sida saska ay kaga qaadeen shisheeyaha afrikaanta.

Alshabaab ayaa dhanka kale helay taageero markasta oo ay qabsadaan magaallo ama ay laayaan ciidamo ka socda Dowladaha ku bahoobay dalada Amisom.

Xaalka ayaa umuuqda mid sii galay marxalad ka duwan kuwii hore waxayna shisheeyaha isku dayayaan inay wax ka badalaan siyaasadooda jaha wareersan ee ka dhanka ah Shacabka.

Haddii qarax lala eegto Amisom waxay ka aargutaan dadka ka ak dhaw halka lagu qarxiyay taasina waxay basiin kusii shubeyso Carada Soomaalida.

SABAAX.COM