Maamulka la baxay Galmudug e uu hogaamiyo C/kariin Xuseyn Guuleed ayaa sheegay in kooxaha suufiyada Guriceel iyo Dhuusomareeb ay xiriir la leeyihiin dowladda Iiraan islamarkaana si caadi ah u faafiyaan madhabka Shiicada.
Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaay) oo ah wasiirka war faafinta ee maamulka Galmudug ayaa isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Cadaado ka dhawaajiyay arrintaasi, wuxuu sheegay in Iiraan si toos ah u taageerto kooxdan.
Horay ayaa loo ogaa in Suufiyadu faafiyaan madhabka Shiicada, mana jirin cid dowladda ama maamulada kale ah oo ka hadli jiray arrintan, balse ujeedada ay xilligan u kashifayaan ayaa waxaa loo sababeynayaa colaada kala dhaxaysa.
Voice Of Somalia-Somali Leaks