Madaxweynaha Uganda Oo Qiray In Askar Looga Qabtay Weerarkii Jannaale.

34730939

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa 11 maalin kadib ka hadlay xasuuqii ciidamadiisa loogu geystay degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Waxa uu qiray iney jiraan tiro kamid ah ciidamadiisa oo u gacan galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo eed kala dul dhacay saraakiishii madaxda ka ahayd xeradii uu gumaadka ka dhacay ee Jannaale, kuwaasoo uu ku eedeeyay iney iska hurdayeen xilligii uu weerarku billaabanayay.

“Waxaa naga maqan lix askari oo ka tirsan ciidamadeena” ayuu yiri’ madaxweynaha Uganda oo muujiyay iney kamid yihiin maxaabiista shisheeye ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Museveni ayaa intaa ku daray in weerarkii Jannaale looga dilay 19 askari, halka afhayeenada dowladdiisa ay sheegeen in laga dilay 12 oo kaliya, taasoo muujineysa iska war qab la’aan, jah wareer iyo in la qarinayo khasaaraha dhaba ah.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cabdicaziiz Abu Muscab ayaa 01-09-2015 oo ku beegneyd maalintii uu weerarku dhacay sheegay iney dileen kontomeeyo Ugandes ah, kuwa kalana ay ku daateen wabiga Shabelle.

Sidoo kale 02-09-2015 ayay saraakiisha reer galbeedka ee Xalane ku sugan sheegeen in Uganda laga dilay 50 askari, 50 kalana la la’yahay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay 08-09-2015 ku xaqiijisay iney heyso maxaabiis Ugandes ah oo lagu qabtay dagaalkii Jannaale.

Waxaa kale oo jira in 07-09-2015 ay afhayeenada Uganda sheegeen in lagu jah wareersan yahay meydadkii ciidamada Uganda ee laga qaaday Jannaale, islamarkaana la geeyay dalkooda.

Saraakiisha Uganda ayaa ku guul dareystay iney is waafajiyaan meydadka iyo eheladooda, waxaana ugu wacay iyaga oo laga toogtay madaxda, oo suuradoodii luntay iyo qaarkood oo ku gubtay weerarkii naf hurnimada ahaa ee lagu daah fulay hawl galka xerada.

Madaxweynaha Uganda ayaa si aad ah u calaacalay isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Tokyo ee dalka Japan, halkaasoo uu u joogay socdaal dhaqaale raadis ah. Waxa uu yiri’ “Khasaaraha naga soo gaaray weerarkaasi waxaa u sabab ah khalad weyn oo ay galeen ciidamadeena”

Museveni ayaa ugu dambeyntii ku goodiyay in maxkamad lasoo taagi doono saraakiishii ugu sareeyay ee ay hoos imanayeen ciidamadii lagu gumaada Jannaale. “Khalad weyn ayey galeen, wey hurdeen mana ahayn kuwa feejigan, shaqada ayaana laga joojiyay” ayuu yiri’ madaxweynaha dalka Uganda.

Ururo badan oo ay kamid yihiin Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo dowlado ay kamid tahay Mareykanka ayaa Uganda uga tacsiyeeyay jabka xooggan ee ku gaaray degnada Jannaale.

Dadka Soomaaliyeed ayaa iyaguna si aad ah usoo dhaweeyay weerarkii Jannaale oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Sahbaab sheegtay inuu aar gud u ahaa dadkii ay Ugandesku ku gumaadeen magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamada shisheeye ayaa tan iyo markii uu weerarka dhacay isaga baxay afar goobood oo istaraatiiji ah sida:-Kurtunwaarey, Ceelsaliini, Golweyn iyo Cambarey, kadib markii ay ka baqdeen in guutada Sh/Abu Zubeyr kusoo qaado weerar lamid ah kii Jannaale.

Dowladda Uganda ayaa xilligan si aad ah uga walwalsan Hubka faraha badan ee gacanta u galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo maxaabiista laga hayo, iyadoo aan la ogeyn sida Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka yeelo doonto askartaasi ay gacanta ku hayso.