Shanta Madaxweyne ee Soomaaliya oo Kenya iyo Itoobiya ay ku Shiriyeen Magaalada Kismaayo.

34740312

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka furmay shir la isugu geeyay hoggaamiyaasha dabadhilifyada ah ee ka jira qaar katirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa wasiirro arrima dibadeedyo u diray magaalada Kismaayo si ay 5-ta hoggaamiya kooxeed ee ku magacaaban madaxweynayaasha soomaaliya mar qura awaamir usiiyaan!!.

Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha Dowladda Federaalka,Shariif Sakiin Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed,Cabdi Wali Gaas Hoggaamiyaha maamulka Puntland, Axmed Madoobe iyo C/kariim Guuleed ayaa hal meel lagu wada kulmiyay dhammaantoodna mid walba wuxuu sheeganayaan madaxweye.

 Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo hadlay ayaa sheegay in madaxweynayaasha soomaaliya ay ka tashan doonaan sidii soomaaliya laga yeeli lahaa wixii ka dambeeya sanadda 2016 oo ah waqti kala guur ah oo inta badan ciidamada shisheeye ay dalka ka bixi doonaan islamarkaana dowladaha reer galbeedka joojin doonaan dhaqaalaha ay siiyaan AMISOM.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka lagu bahdilay Xasan Gurguurte kadib markii khudbadihii ay jeedinayeen saraakiisha shisheeye ay Axmed Madoobe ugu yeerayeen Erayga Madaxweyne!.

Waxaa xusid mudan in khilaafaadyo ay u dhaxeeyaan maamullada Puntland,Jubbaland iyo maamulka Muqdisho isalmarkaana ay dhowr mar sheegeen in aysan aqoonsanayn.

Arrinta kale ee shirka Kismaayo uu banaanka soo dhigay ayaa ah in Kenya iyo Itoobiya ay gacanta ku hayaan 5-ta maamul goboleed ee soomaaliya kajiro mana jirto madaxweynayaasha tirada badan mid si iskiis wax u maamuli kara.

Liibaan Jeexoow Cabdi