Itoobiya oo ah cadaw taariikhi ah oo ay leedahay ummada Soomaaliyeed ayaa xilligan ad u faraxsan iyagoo u arka iney dabin la heleen ummada Soomaaliyeed, kadib markii ay sameysteen shaqsiyaad u daacad ah, una dhiibeen gobolada qaar iyagoo ku magacaabaya madaxweynayaal.
Shirkii lagu caleema saarayay Axmad Madoobe oo kamid ah kuwa u daacadda ah Axbaashta, ayaa waxaa markii ugu horeysay kasoo muuqday shan madaxweyne oo Soomaaliya iskala wada jira, waana midda keentay iney hadalo jees jees iyo ku digasho ah jeediyaan madaxda Itoobiya.
Safiirka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya ayaa arrintan ku tilmaamay Nabad iyo Caano, isagoo waliba dhowr jeer kusoo cel celiyay kalmaddan oo ay Soomaalida caan ku tahay islamarkaana u isticmaasho xilliyada barwaaqada.
Voice Of Somalia-Somali Leaks