Masalooyin gaariyo
musuq maasuq iyo boob
nina kuma maryaadeen
inta madax u sheegtee
Shacabkaa mashquuloo
marna Muufo iyo Shaah
iyo Maraq eryaayoo
midda weyn ka maagaye
Haddii ay mar toosaan
maskaxdiyo maankiyo
muruqooda maalaan
tuug kama macaasheen
Marxabeyn shisheeyiyo
maqaayadaha la dhoobtiyo
muran iyo isjiid jiid
hadeey meel ku xooraan
Duul masaafo soo jaray
oo meel fog uga yimid
Dekaddiyo Madhaarkii
maal kama gurteen abid
Haddii ay midoobaan
oo maqaamka guud iyo
maslaxooda eegtaan
nina uma muraadeen
Mashaqada waxaa baday
iyo midig la taagtaba
mujrim iyo aqoon gaab
kala maanacaayee
Haddeey maamul goboleed
intay maya yiraahdaan
gebigood midoobaan
mahadhaba magaarteen
Masjidyada ilaah iyo
musxafka quraankiyo
haddeey miidda dhowrtaan
nina kama maroojeen.
W/T; Xagaleey