WARBIXIN:-Ururka Jaamacadda Carabta oo Taageeray Xasuuqa iyo Kufsiga ay Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM Ka Wadaan Soomaaliya!

34749395

Markii ugu horraysay Ururka Daaquudka Jaamacatal Carab ayaa ku dhawaaqay in uu ku faraxsanyahay xasuuqa iyo gabood fallada ay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuq AMISOM ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

Shir ay magaalada Al Qaahira ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibada Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Ururku taageera dhan walba ah siinayaan ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan iyo DF-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Imaraadka Carabta oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in dowladaha ku bahoobay Jaamacadda carabta ay ku faraxsanyihiin wax uu ugu yeeray “Horumarka howlgallada melleteri ee Argagaxisada ka dhanka ah iyo wadahadallada ay waddo dowladda soomaaliya”.

 Ururka dabadhilifka ah ee Jaamacadda Carabta ayaa bogaadiyay howlgallada cadawtooyo ee ciidamada shisheeyaha Itoobiya iyo Jabuuti ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda Jamaacadda Carabta ayaa cambaareeyay howlgallada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka dhanka ah ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

“Golaha Jaamacadda Carabta wuxuu si kulul u cambaaraynayaa weerarada ay argagaxisada Shabaabul Mujaahidiin ku beegsato ciidamada midowga Afrika iyo kuwa xukuumadda Soomaaliya waa weeraro aan marnaba la aqbali karin”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay jaamacadda Carabta.

Wasiirada Carabta waxay sheegeen in lacag dhan 10 milyan  oo dollar bil walba ay u qorsheeyeen in ay ku taageeraan wax ay ugu yeereen nabadaynta soomaaliya iyo la dagaalanka ‘Argagaxisada’,balse dhammaan xubnaha Ururka kujira iskuma raacin bixinta dhaqaalahaasi.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay xasuuq daran ka geysanayay gobollada Bay,Bakool iyo shabeelaha Hoose halkaasi oo boqolaal shacab ah ay ku dileen waxaana muuqata in ciidankaasi ay taageero maaliyadeed ka helayaan wadamada carabta.

Muraad Jaamac,Dubai,UAE
somalimemo@yahoo.com