Ethiopia oo Waqooyiga Somaliya ka bilowdey bililiqada hubkii dowladii Somaliya ka tagtey

biliqo5

Xukumadda gumeysiga Ethiopia oo ka faa’iideysaneysa burburka ku dhacay dowladdii Somaliya ayaa ka bilowdey goboladda waqooyi ee Ssoomaaliya hawlgal la xidhiidha dhanka militeriga, khuburo dhanka ciidanka oo ka socdey Ethiopia ayaa soo  gaadhay magaalada Hargeysa oo ay ka bilaabeen socdaal ay ku mareen xeryo ciidan oo ku yaala Hargeysa sida xeradi 24aad, Warshadii kabista iyo xerada Birjeex intaas ka dibna waxay usii dhaafeen dhanka cadaadley oo indho indheyn ay ku sameyeen xerada.

Sarkaal laba xidigle ah oo ka tirsan ciidanka Milatariga Somaliland ayaa  sheegaya in khuburadaasi ay si xoogan xero kasta oo ay tagaan u baadhayaan iyadoo  qoraal ka sameyneyaan badka xeradda waxayna cabirayaan ilo biyeedyada ku yaal xeradaas, khuburada Ethiopia ka socota waxa waxay eegayaan goobaha hubka lagu qariyo ee ku yaala xeryahaas, Sarkaalkaasi wuxuu intaas kusii darey in khuburadan Ethiopianka ah ee baadhitaanka samaynayaa ay sitaan qoraal ay ku qoran yihiin xeryaha iyo magacyadood.

Xogtani waxay muujinaysaa in uu gumaysiga Ethiopia ay si aad ah u doonayaan inay xero kasta dul istaagaan mid ka mid ah  Saraakish gumaysiga ee hawshan ku gudo jira ayaa yidhi”xeradii Dhamal namaydaan geynin ee iyadana geeya”, dhanka kalan waxaa isla xeroyahaas baadhitaanka lagu sameyay laga bilaabey raritaanka gaawaadhida Kareyaasha iyo o  Beebeeyadii gubtey xiligii dagaaladii sokeeye ama kuwii ciladeysnaa.

Gaadiidkan ay gumaysigu guranayaan ayaa la rarayaa iyadoo qaarna la jarjarey qaarna iyagoo isku yaala ayaa laqaadayaa waxaana lala fajacsanyahay sababta ay Ethiopia gaadiidka Soomaaliya u uruursanayso.

Isku soo wada duuboo hubka iyo gaadiidka umadda Soomaaliyeed ma aha markii ugu horeysay ee ay Ethiopia si badheedh ah u boobto, bilawgii burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliyeed 1991 ayay Ethiopa biliiliqaysatay warshadii sibidhka iyo galtaalo yaalay magaalda Berbera haatana waxay halwl yaraan u gurayansaa gaadiidka iyo hubka hadhaaga ah oo ujeedo ay ka leedahay.