TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED:-Taariikhdii Naftii Hurre Gaashaanle Sare Axmed Xaaji Maxamuud (TEERSO),Aun.

Colonel Ahmed Haji Mohamud Osman (Ahmed Teerso)wuxuu ahaa ninkii xureeyey magaalada Godeey  taariikhda markey 16 july 1977kii .

34768950

Gaashaanle-sare Axmed Xaaji Maxamuud oo loo yaqaano Axmed Teerso waxa uu ku dhashay jameecada Raaxaale oo ka tirsan degmada Jalalaqsi oo ka tisan gobalka Hiiraan sanadka marka uu ahaa 1935-kii, yaraantiisa waxa uu ku soo barbaaray jameecada raaxaale halkaas oo uu ka bilaabay barashada Qur’anka Kariimka. sanadka markuu ahaa 1950kii ayuu ka qalinjabiyay dugsiga qur’aanka isaagoo xafiday 114-ka Qur’aanka Karimka ah.

Sanadkii 1956-dii waxaa uu u soo amababaxay Muqdisho halkaas oo waxbarashadiisa cilmiga shareecada Islaamka iyo tafsiiraka Qur’aanka uu ka bartay isagoo waxbarashadiisa ku dhex jira ayuu sanadii 1958-dii bilaabay dugsiga sare ee Schoola desepline Islamic, wuxuuna ka qalinjabiyay 1962-dii, kaddib markii uu ka qeyb galay imtixaan adkaa oo la dhexdhigay arday Soomaaliyeed oo boqolaal gaareysay ayuu ku gudbay darajo aad u sareyso, waxaana loo qaatay Leyli sarkaal ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu waxbarasho u aaday dalka Masar sanadkii 1962-dii isagoo wax ka baranayay kulliyadii ciidmada ee Qaahira isagoo dalka ku soo laabtay 1965-tii, wuxuuna u dalacay darajada xidigle, waxaana loo badalay qeybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee magaalada Hargeysa isagoo loo magacaabay taliye horin ee ciidanka lugta.

Sanadii 1966-dii wuxuu u dalacay labo xidigle, sanadka marka uu ahaa 1968-dii ayaa loo soo badalay dugsiga tabarka ee Bootiko oo markii dambe loo bixiyey Xalane si uu ugu qaato tabar abaanduulenimo. isla sanadka 1968-dii waxa uu u dalacay dhamme waxaana loo badalay ururka taliska guud ee xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana lagu magacaabay madaxa waaxda ee hoggaanka saadka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sanadka marka uu ahaa 1970-kii waxaa waxbarasho loogu diray dalkii la oran jiray Midawgii soviet-ka, gaar ahaan kulliyadda ciidmada ee dagaalka ee magaalada Moscow. Isagoo waxbarashadiisa ku dhexjiray sanadka markuu ahaa 1972-dii ayuu u dalacay Gaashaanle, afar sano kaddib markii uu soo dhameystay waxbarashadiisii u socotay 1970 ilaa 1974 ayuu dalka ku soo laabtay isagoo wata shahaadada cilmiga militariga ee sare, islamarkaana lagu maamuusay billad sharaf waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan aawgeed.

Bartamahii sanadka 1974-tii ayaa loo badalay qeybta 60aad ee Baydhabo, waxaana lagu magacaabay taliye-gaaskii fadhiisu ahaa magaalada Xudur ee gobalka Bakool islamarkaasna waxa uu u dalacay Gaashaanle dhexe. bishii july 1977-kii isagoo hogaaminayay ciidan lixaad leh wuxuu ka qeybgalay xoreyntii Somali-galbeed isagsoo dagaalkaas ku noqday gaashaanle sare. Gaashaanle sare axmed Teerso, isagoo dagaalamaya ayuu ku shahiidey buundada Godeey 16kii july 1977-kii isagoo lagu aasay isla goobta dagaalka uu ku geeriyooday. Shahiidnimadiisa waxaa lagu maamuusay bilad dahab ah iyo darajada gaashaanle sare.

Gaashaanle sare Axmed Xaaji Maxamuud Cismaan Cabdule wuxuu ahaa aqoonyahan bartay cilmiga militariga intaasna waxa u sii dheereeyd isagoo cilmiga shareecada Islaamka yaqaanay ‘ luuqadaha uu ku hadli jiray gaar ahaan luuqadda carabiga ee uu uga baxay dugsiga sare iyo kulliyada ciidmada ee dalka masar ‘ sidoo kale tan ruushka uu ku soo qaatay tababarkiisii uggu weeynaa ee ciidan.

Axmed Teerso dadkii ay wadashaqeeyn soo dhexmartay dhammaan waxay ku ammaaneen wanaag badan iyo nin aad dadka u tixgeliya iyo wadaninimo weyn oo ku jirtay, wuxuuna madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed siyaad bare ku maamuusay taalo uu u dhisay Axmed Teerso.

Not many of us know about this Somali hero named Col. Axmed Teerso. Born in Hiiraan in 1934 and martyred in Godey in 1977.

The battle of Godey was one of the entry points of the Somalo-Ethio war and perhaps the most decisive one. There was a deadlock at the Godey’s main bridge for a week as both sides battled ferociously to dislodge one or the other. The Somali army units, fully equipped and with high morale couldn’t initially break the besieged Ethiopian units. With continuous bombardment, the Ethiopian defence was gradually wearing thin. Their commander, Col. Axmed Teerso, a 42-year old patriot led his men with a last offensive push with him personally at the frontline. The Ethiopian defence was broken but in the process Axmed Teerso lost his life, making him one of the first Somali casualties. He was heralded as one of the first Somali martyrs and was posthumously awarded Somalia’s highest medal of bravery.

It is said that he said to his wife, Dr Asha Ali (a military doctor), prior to embarking on the campaign to liberate Godey:

“I am going on a mission, and I would not probably survive, I don’t want you to cry over me, I want you to continue nursing the soldiers, this is your mission and ours too, to serve the motherland”

Alla ha u naxariisto Col. Axmed Teerso iyo dhamaan halyeeyadii Soomaaliyeed (min Saylac illaa Raaskaambooni) ku shahiiday (6,453 ruux) dagaalkii xoreynta Soomaali Galbeed, Ameen

May Allaah have mercy on Col. Ahmed Terso and the 6,453 Somali heroes from Zeila to Ras Kamboni who selflessly sacrificied their lives for a common objective, transcending clan-lines, Ameen.

FADLAN WIXII KALE OO TAARIIKHA AH OO AAD KA HAYSO HALYEEYGA NA SOO GAARSII.

The Capture of Godey (Gode) in the 1977 War Between Ethiopia and Somalia

Somali Galbeed 1977 Somalia & Ethiopia

Voice Of Somalia-Somali Leaks