RADIO REER HEBEL:-FM-YADDA MUQDISHO kama marno Qabyaallad !!!

34774836

Kasmo-xumidda dhinaca  Beelaha ee qarniyadda badan lagu soo nolol qaatay iyo diiftii laga dhaxlay colaad beeleedka asaaska u ah Nolosha Reer Guuraa’nimadda ayaa waxay sababtay inay  dhaxalka haybsiga Qabyaalladdu ku dhex milmaan Bulshadda Soomaalida.

25-kii sanno ee ugu dambeeyey ayaana la dhihi karaa waxay Qabyaalladdu ku xidideysatay Nolosha Soomaalida, gaar ahaan Xafiisyadda, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Wada Noolaashaha.

Shaqo kastana waxaa halxiraale u ah inaad Ehel ku leedahay Xafiiska ama Hay’adda aad u shaqo raadsanayso, mana aha arrin laga xishoodo inuu Mas’uul kasta dadka ehelkiisa u qoro shaqooyinka Hay’addiisa.

Haddaan ararta ka gudbo, waa hubaal inay Qabyaalladdu culays xooggan ku hayso Suxufiyiinta Xirfad-ku-duulka ah, kuwaasi oo gocasho iyo ciil ka qaada sida looga door-bido Suxufiyiinta lagu qaato Ehelnimadda ama Weji Aqoonsiga.

Haddaad tahay Xirfadle Saxaafadeed sahal kuuma aha inaad ka hawlgashid Idaacadaha FM-yadda ku yaalla magaalladda Muqdisho, haddii aadan ehel ama xigto la ahayn Milkiiliyaaasha Warbaahinadaasi, oo iyagu si si safmar ah uga mideysan inay Ehelnimo dadka ku shaqaaleysiiyaan, Xilal ugu magacaabaan amaba ay u diraan  Seminaaradda muhiimka.

Indha-indheyn iyo Raad-raacyo aan muddo  dhowr bilood ku haynay Dabeecadaha Milkiilayaasha FM-yadda iyo Suxufiyiinta u shaqeeya ayaa waxaa inoo soo baxday Warbixin laga argagaxo oo aysan si dhab ah ula soconin Hay’addaha  maalgeliya iyo kuwa u dooda Xuquuqda Warbaahinleyda.

Qaabka Suxufiyiinta loo shaqaaleysiiyo ayaan ahayn Qaab Nidaamsan, mana jiraan Heshiis Shaqo oo Heer Caalami (International Stndard) ah, iyadoo Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha dayaceen inay la socdaan ama  diiwaan-geliyaan  Xirfadlayaasha Idaacadaha Muqdisho, oo iyagu la dhihi karo waa Dhibanayaal la moodo inay Barwaaqo ku haystaan FM-yadda.

Milkiilayaasha Idaacadaha waa u caado inay Weriyayaasha ku cadaadiyaan inay ugu yaraan 3 bilood ku shaqeeyaan bilaa Mushaar, iyadoo kuwa Mushaarka la siiyana loo qoro Kharaj u dhexeeya 30 Dollar ilaa 100 Dollar bishiiba.

Culayska ugu xooggan waxa uu ku dhacaa Weriyayaasha Wararka raadiya, kuwaasi oo ku khasban inay Mushaarkooda yar ka bixiyaan Gaari-raaca maalin kasta, iyadoo Milkiilayaashu ku doodaan inay Weriyayaashaasi (Reporters) kharaj (Sharuur) ah ka helaan goobaha ay Wararka ka raadiyaan, sida Shirarka Jaraa’id, Xafaladaha iyo Munaasbaadaha Siyaasadeed iyo kuwa Bulsho.

Waxaa kaloo jira xubno ay Maamulka FM-yadda ku naas-nuujiyaan Idaacadaha, kuwaasi oo  falal sed-bursi, ganaax, hanjabaad iyo gacan-qaad u geysta Weriyayaasha, iyadoo aan Falalkaasi waxba laga qabanin.

Suxufiyiinta Dhibanayaasha kuma dhiiradaan inay Hay’addaha Dowladda u dacwoodaan, waxayna ka baqdaan Milkiilayaasha FM-yadda oo intooda badan leh Maleeshiyooyin hubeysan iyo Gaadiid Tekniko ah.

Xaqiiq ahaan, waxaa wax laga naxo ah iyadoo ay Weriyayaashu ku shaqeeyaan Xaalad Adag iyo Amni Xumo in loo diro inay diyaariyaan Warar iyo Warbixino khatar u keenaya Weriyayaasha, kuna muteystaan xarig, jir-dil iyo khaarijin.

‘Waan la kulanay cadaadis iyo ganaax, laakiin, waan u dul-qaadanaa, maadaama ay shaqo la’aan ka jirto magaalladda’ ayuu yiri mid ka mid ah Reporterada oo codsaday inaan magaciisa la xiganin.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan ku mushaar ahayn Weriyayaasha la ehelka ah Milkiilayaasha, oo iyagu lagu naas-nuujiyo Seminaaradda iyo Gunooyin kale.

Saxafiyad iyadana dareensan tacadigaasi ayaa sheegtay in Shaqaalaha aan soo xaadiri waaya 06:45 daqiiqo la ganaaxo ilaa 20 Dollar, taasi oo ay xustay inay Weriyayaasha culays ku qabaan ganaaxaasi oo ah mid ay Milkiilayaasha dhoodhoobteen.

Xaqiiq ahaan, Sharuucda ay Milkiilayaasha FM-yadda Muqdisho xeer ka dhigtaan ma aha mid ku heer ah Xeerarka Hay’adda Caalamiga ee ILO, waxayna Weriyayaasha shaqeeyaan saacaddo ka badan 8 saac, iyagoo aan la siinin wax Kharaj Dheeri ah (Over Time) .

Waa hubaal in ay Hay’adda Caalamiga ee  taageera Suxufiyiinta qeyb ku leeyihiin Tacadiyadda lagula kaco Suxufiyiinta, maadaama ay Hay’adahaasi bxiiyaan Dhaqaalaha Maalgelinta iyo Tababaradda loo qoondeeyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sahan Xaqiiqo-raadin oo ay qaadeen Hay’addo Caalami ah iyo Khubaro Saxaafadeed ayaa lagu  muujiyey in inta badan Weriyayaasha  lagu dilay  dalka Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho loo beegsaday sababo la xiriiray iyagoo baahiyey  Warar iyo Warbixino ay ka baahiyeen Warbaahinadda Maxaliga, gaar ahaan FM-yadda Muqdisho.

Waana hubaal in War kasta oo la baahiyo ay jiraan Shaqasiyaad qoonsada, kuwaasi oo si carro leh u hujuuma Weriyayaasha, lagana yaabo inay u geystaan jir-dil, Xabsi iyo inay seejiyaan naftooda.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeymaha iyo Tacadiyadda ay Madaxda Warbaahinadda Muqdisho ku gabood-falaan ayaan ahayn kuwo indhaha laga qabsan karo, waxaana loo baahan yahay Hay’aaddaha Caalamka ee u dooda  Xuquuqda Aadanaha iyo Saxaafadda sida NUSOJ, Reporters Without Borders, IFJ, HRW, Amnesty International  iyo kuwa kale inay fiiro gaar ah u yeeshaan Xaalladda dhabta ee ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ku dhibaataysan FM-yadda Muqdisho.