Hoggaamiyaha Ururka Ictisaam kana mid ah wadaada xumayaasha la shaqeeya shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay Bashiir Axmed Salaad ayaa markii ugu horraysay sheegay in soomaaliya aysan ka jirin dowlad xalaal ah oo shacabka soomaaliyeed metesha.
Isagoo wareysi siinayay Telefeshinka Kalsan ee fadhigiisu yahay wadanka Ingiriiska ayuu Bashiir Axmed Salaad dhaliil xooggan u jeediyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada gumeysiga taabcsan ee soomaaliya kajira.
Bashiir Salaad oo u muuqday Nin quus ka taagan hana qaadka dowlada Federaalka ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka maamulka Xasan Sheekh iyo Maamul goboleedyada Itoobiya ku xiran ee kajira Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Koonfurta dalka.
“Soomaaliya dowlad shaqeysa kama jirto,xataa waxaa la oran karaa Bilaaw wanaagsan lama hayo,waxaan maqan dhammaan adeegyadii dowladda looga baahnaan lahaa sida melleteriga oo kale” ayuu yiri Bashiir Axmed Salaad.
Hoggaamiyaha ictisaam oo sheegan jiray in uu madax u yahay hay’ad ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed ayaa hadalladiisa laga dareemayay in uu isku bedelay shakhsi siyaasadda ku khafiifay islamarkaana ka murugaysan khilaafaadka daashaday siyaasiyiinta shisheeyaha la shaqeeya.
Wuxuu ku celceliyay “Kalsooni darro buuq iyo khilaaf ayaa ka dhaxjira iyo ,is aaminaad majirto”.
Wuxuu sheegay in DF-ka hoggaankeeda uu qabyaaladaysi ka dhaxjiro,haba yaraatee Bashiir Axmed Salaad sooma hadal qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Kenya ee xasuuqa bahalnimada leh ka geysanaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya mana aaminsana in shisheeyuhu qeyb ka yahay dhibaatada soomaaliya ka jirta halka Al Shabaab uu u arko ‘canaasir nabad diid ah oo halis ku ah umadda soomaaliyeed’!.
Wuxuu carrabka ku celcelinayay walaaciisa ku aaddan fadhiidnimada dowladda Federaalka oo isagu uu taageero u ahaa markii dambana uu toos ugu biiray dhowr marna uu kasoo muuqday shirar ay shisheeyuhu ugu tashanayeen shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Hoggaamiyaha Ururka Ictisaam oo dagaal waqti dheer qaatay lasoo galay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugu dambeyn markii uu ku biiray dowlada Xasan Sheekh wuxuu isku bedelay siyaasi warbaahinta ka dhaleeceeya waxqabad la’aanta DF-ka.
Waxaana xusid mudan in Bashiir Axmed Salaad iyo kuwa lamid ah sida Nuur Baaruud Gurxan aysan shacabka soomaaliyeed waxba ka maqlin kadib markii ay isku saf noqdeen xabashida Itoobiya.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo qabaa’illada soomaaliyeed ee gumeysi diidka ah ayaa shafka u dhigay duullaan gaaleed xoog badan oo ciidamada Itoobiya,Burundi,Uganda,Jabuuti iyo Kenya kusoo qaadeen wilaayaadka islaamiga ah waxaana duullaankaasi barbar socday mid dhanka sharciyada ah oo Ururka Ictisaam uu dacaayado ku furayay mujaahidiinta balse dhamaan isku dayadaasi waa fashilmeen cidda guul darradaasi ay dhibayso ee banaanka usoo baxday ayaa ah Ictisaam iyo DF-ka.
Magaalooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah ayay mujaahidiinta soomaaliya 30-kii maalmood ee lasoo dhaafay furtay waxaana halkaasi dib ugusoo laabtay maamulladii islaamiga ahaa.
Halkan ka dhageyso Walaac Bashiir Axmed Salaad MP3
Voice Of Somalia.