DHAGEYSO:-Somaliland Ma Gobal Itoobiya ka mid ah baa?

34788344

Madaxda amaanka ku shaqda leh ee maamulka Soomaaliland la baxay ayaa looga yeeray dalka Itoobiya waxaanay dhaqsaba ajiibeen dalabka aan tuugmada ahayn ee amarka u muuqda.

Dadka dhaqan Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somali land ka taliso ayaa iminka ku baraarugugay in halka ay joogaanu ka dhigan tahay gobal Itoobiya ka ka tirsan.

Bulshada ayaa si weyn u hadal haya tilaabadaan waxana goobaha lagu shaaho iyo fadhi ku dirirada qabsaday hadal haynta dhacdadaan.

.Wariye Cabdi-maalik Muuse coldoon oo ka tirsan shaqaalaha war faafinta Somaliland ayaa muujiyay sida uu arinkaan foosha xun uga tiiraanyaysan yahay.

Wuxuu sheegayaa in arinkaani meel ka dhac ku yahay Somali land meesha la aadayna aan wada tashi ka jirin laakiin amar la soo siinayo kuwa la wacay.

Wariyaha ayaa ka xumaaday  erey bixinta ay madaxda Soomaalidu isticmaalaan oo ah in ay shisheyaha walaalo ugu yeeraan.

Wariye Cabdi-maalik Muuse Coldoon ayaa sheegay sida hadda lagu jiro in ay ka qumanaa lahayd in toos loo sheego in somalidn tahay gobalk itoobiya ka mid ah.

Wuxuu sheegay in sidii daad soo fatahay jaamacadihii Itoobiya u soo buuxiyeen Magaalada Hargeysa taasina aanay ahayn wax lagu farxo.

Koofurta Soomaaliya Itoobiya waxay ku joogtaa xoog iyo qori caaradii waxaana dab la hortaagan wiilal hoyaad iyo harsiba u diiday ha yeeshee maamulada Puntladn iyo Somali land ayay qalin ku xukuntaa waxaana si toos ah ay ugu shaqeeyaan siyaasaddeeeda gurracan.

Taliyaha ciidamada Gumaysiga Itobiya Qaybta Konfur Bari ee fadhigoodu yahay magaalada Harar oo kaqayb galayay shirkii maamulka Hargaysa lagu Hoos gaynayay Jigjiga ayaa kahadlay muhiimada Heshiiska Labada maamul.

Abraham ayaa madasha kasheegay in Heshiiskan ay mudo dheer sugayeen waxaana uu cadeeyay in dadaal iyo wakhti badan loo Huray Hirgalinta Qodobada Labada maamul ku kala saxiixday magaalada Diridhabe.

Waxaa uu sheegay in Somaliland aysan ahayn Itobiyan cusub oo hada lagu soo dhowaynayo Itobiya, waxaa se uu daaha karogay tan iyo markii ay lawareegeen maamulka inay ahaayeen kuwa Itobiya ku lamaanaa oo wax badan lasoo wadaagay.

General Abraham ayaa uga mahad celiyay kooxda Siilaanyo inay sameeyeen wax wanaagsan oo Taariikhdu xusi doonto, waxaana uu Hoosta kaxariiqay in haatan wixii kabilawday ay Labada maamul waa kan Jigjiga iyo Hargaysa e ay yihiin kuwo iskumid ah oo wax kaste kamidaysan.

Dhagyso Warbixin Itoobiya oo u yeertey maxda Soomaliland