Faroole oo looga bartay Xabasho jaceyl ayaa ku baaqay beelo Soomaaliyeed oo colaadi dhex martay in ciidanka Itoobiya kala celiyaan xoogna ku soo galaan gayiga Soomaaliyeed!
Ma ahan wax lagula yaabo Faroole iyo kuwa la midka ah.
Wuxuu kale oo baaq u diray Xasan Sheekh ugana baaqay inow kursiga ka dhaqaajiyo maadama uusan tixgalin dastuurka Qabyo qoraal.
“Waxaan u arkaa Nadaam diid, Dastuur Diid, Xeer diid, waxba yeeysan socon ha inagu celinana wixii aan ka soo gudubnay oo ahaa Dowladii KMG aheyd ama mar kale wax ka sii xun sameyn karna dadka ina caawinaya intay naga tashtaan oo ay dhahaan idinka iyo dhibaatada idin haysata ayaa la idin kaga tagay, waxaan is leeyahay arintaasi wax halaga qabto, hadii aan wax laga qaban karin, waxaan leeyahay C/laahi Yuusuf isaga oo aan waqtigiisa dhamaan ayuu isaga tagay isaga tag adna.” Ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS