Askarta Itoobiya ee Soomaaliya duullaanka ku joogta ayaa dadka Soomaaliyeed qaarkood u dila si eeyaha ay wataan ay ugu quudiyaan ama ugu naaxiyaan.
Dhawaan Ciidanka Itoobiya ee Duullaanka ku jooga Baay iyo Bakool ayaa tilaabadaasi qaaday taasoo cadeyn u ah heerka cadawtooyadoodu gaarsiisan tahay.
Mid kamid ah indheer garadka Gobalka Bakool ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu ku sheegay in arintaas ay aad ugu murugoodeen.
Ugaas Xasan Macalin Liibaan ayaaa sheegay in xasuuq badan ay Gobalka Itoobiyaanku ka geysteen dumar badan oo ay habar sagaashan jir ah iyo gabar todobo jir ah ku jiraana kufsadeen.
Ugaas ku wuxuu ku goodiyay in ay qaadayaan dagaalo aar gudasho ah asigoo Soomalidana ku booriyay in ay Jihaad u guntadaan.
Dhagayso Waraysiga Ugaas Xassan Macllin Liibaan
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS