DHAGEYSO:-Ururka Ictisaam oo Sheegay in 60% Soomaaliya Gacan Gumeysi Ku Jirto Walaacna Ka Muujiyay Xaaladda Dowladda Federaalka

ict

Xilli fashil dhan walba ah uu usoo galay dowladda Federaalka ee gumeystaha soomaaliya kusoo duulay la shaqeysa ayay taageerayaashi dowladdaasi bilaabeen in ay warbaahinta ka weeraraan.

Duullaanka ciidamada Xabashida Itoobiya iyo dowladaha kale ee Afrikaanta ah kusoo qaadeen Soomaaliya waxaa dhanka sharciyadda ka taageerayay wadaada xumayaal afka soomaaliga ku hadla kuwaasi oo mar walba dacaayado rakhiis ah ladaba taagnaa xoogaga islaamiga ah ee shafka u dhigay duullanka taqliidiga ah ee diinka iyo dadka soomaaliyeed lagusoo qaaday.

Ururka Ictisaam oo marmarka qaar sheegta ‘Hay’adda culimada soomaaliyeed’ ayaa kalin ku lahaa kaabidda gumeysiga Soomaaliya waxayna sanado ka hor ku mashquulsanaayeen dacaayadaynta Shabaabul Mujaahidiin oo ay ku tilmaami jireen “Khawaarij,Koox lunsan,Mujrimiin” illaa Nuur Baaruud uu ku sifeeyay “Murtadiin”!!.

Wadaada xumayaashii hadda waxay bilaabeen in ay si tartiib tartiib ah uga furtaan DF-ka iyagoo boos ka raadsanaya dhanka waxa loogu yeero beesha caalamka waxayna iska xaadirinayaan shirarka gudaha iyo dibadda lagu qabto ee arrimaha soomaaliya looga hadlayo.

Fashilka siyaasadeed iyo midka melleteri ee cadawga ku habsaday ayaa saameeyay Ictisaam iyo kuwa lamid ah waxayna hadda ku qeyla-dhaaminayaan “soomaaliya dowladi kama jirto,meesha waa lagu lugo’ay waa in shacabka soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan oo ay dalkooda xuraystaan”.

Sheekh Max’med Idiris iyo Baashiir Salaad ayaa maanta taagan in soomaali aysan waxba gacanta ugu jirin oo dalka shisheeye maamusho,C/raxmaan Sheekh Cumar oo wadaada Al-ictisaam katirsan ayaa isna ku qeyliyay “dowlad sax ah soomaaliya kama jirto” basle wuxuu ku taliyay in soomaaliya qabiil qabiil iyo gobollo loo kala qeybiyo!!.

Guulihii ugu dambeeyay ee xarakada Al Shabaab ka gaartay gobollada shabeelaha Hoose iyo Hiiraan iyo dib ugurashada ciidamada Xabashida Itoobiya iyo AMISOM ayaa ka farxiyay shacabka soomaaliyeed halka dabadhilifyadu ay wadnaha farta ku hayaan.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa qabsaday degmooyin katirsan gobollada dhaca Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya Al Shabaab oo isku taagtay difaaca dhulka soomaalida ayay wadaada xumayaashu ku sifeeyeen khawaarij eeyahay Naarta ah!! balse cidda xaqqa ku taagan maanta shacabka soomaaliyeed ayaa isha ku haya.

Abwaan soomaaliyeed baa horay u yiri “alloow lakala miiranye Mililik ha iraacin”.

Halkan ka dhageyso Barnaamij ay Idaacadda Alfurqaan ka diyaarisay Dib ugurashada Wadaadada Ictisaam MP3