Dhibaatooyinka dhaqaala darri iyo shaqo la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho waxaa kaalin weyn ku leh shirkadda Turkishka ah ee dekedda gacanta ku heysa, taasoo ganacsatada Soomaaliyeed ku kordhisay qiimaha lacagaha ay wax kula soo degaan.
Mid kamid ah ganacsatada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa inoo sheegay in markii ay shirkadda Al-beyrak la wareegtay furdada uu magaalada ka dillaacay sicir barar baahsan.
Wuxuu sheegay in halkii Konteenar oo badeeco ah ay ka qaadato lacag dhan 1300$ (Kun iyo sadax boqol dollar) halka markii hore laga qaadi jiray 900$ (sagaal boqol oo dollar) taasi oo ay sii dheer tahay lacago canshuuro ah oo labo meel oo isla dekedda ah looga qaato.
Ganacsadaha ayaa intaa ku daray in markii ay badeecadooda kala soo baxaan dekadda mar kale lacago baad ah ay ciidamada dowladda uga qaataan wadooyinka, kadibna looga daba tago bakhaaradooda oo haddana lagu canshuuro.
Arrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay sababeen sicir barar baahsan oo ka dillaacay magaalada Muqdisho taasi oo keentay in dadka dabaqadda hoose ay maareyn kari waayaan noloshooda.
Tusaale ahaan kiiladii Bariiska oo sadax sannadood ka hor la iibinayay lacag ka yar nus Dolar ayaa waxaa maanta lagu bixiyaa qiimo ku dhow hal dolar, burka iyo sonkortuna waa lamid.
Haddii xaalku sidaa yahay, bal is weydii sida uu u noolaan karo qofka boqolka dollar ku shaqeeya bishii iyo kan xamaaliga ah ee habeenkii gurigiisa kula soo hoyda labada dollar!.
Haddii Wixii Dekedda Kasoo Daga Qaali Yihiin Aaway Dalaggii Dalka?
Mar walba oo ay shacabka magaalada Muqdisho la kulmaan sicir barar waxay ku baxsan jireen dalagga kasoo go’a wadanka, laakin taas ma dhicin maanta oo waxaa qudheeda ku hor gudban caqabado badan.
Qaar kamid ah dhulkii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka waxaa qabsaday ciidamada shisheeye oo sabab u noqday iney baaba’aan beero badan kadib markii ay dul marsiiyeen karaayaashooda, qaarna ay illaa iyo maanta dul daggan yihiin.
Intaa waxaa dheer in wixii dalag ah ee kasoo go’ay dhulka amniga ee shareecada lagu maamulo ay dowladdu wadooyinka iyo suuqyada uga qaado canshuuro xad dhaaf ah, halka qaadka aan wax canshuur ah laga qaadin, marka laga reebo tan garoonka diyaaradaha looga qaato.
Arintan waxay keentay in sidoo kale uu kor u koco qiimaha dalagga dalka kasoo go’a illaa la gaaray heer ay qaarkood ka qaalisan yihiin raashinka dibadda laga keeno.
Digirta markaan tusaale usoo qaadano waxaa suuqyada magaalada Muqdisho looga iibsadaa qiimo lacageed oo gaaraya 18,000 (toban iyo sideed kun) illaa hal dollar, taasoo kuu muujineysa in aysan dan yartu heysan meel ay u cararaan.
Ciidamada shisheeye, hey’adaha iyo qurba joogta ayaa kaalin weyn ku leh qiimo kororka ku yimid maciishadda, sababtoo ah waxay iyagoo lacago badan farraqaya si joogto ah u iibsadaan caanaha, hilibka xoolaha, Kan kalluunka IWM.
Dhalada caanaha Geela oo labo sannadood ka hor Muqdisho ka ahayd wax ka yar Nus dolar, ayaa waxay maanta mareysaa hal dolar, Kiiladii Hilibka Geela oo raqiis lagu cuni jiray ayaa waxay gaartay 1,2000 (Boqol iyo labaatan kun) halka kalluunkuna uu kasii daran yahay.
Shaqo La’aan.
In badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waa shaqo la’aan, waxaana dadka baagamuundada ah u badan ganacsatadii yar yareyd ee suuqyada kadib markii ay waayeen faa’iidadii ay ka heli jireen badeecadooda.
Sidoo kale waxaa dadka camal la’aanta kamid ah macallimiintii dugsiyada qur’aanka oo iyagoo nafsadooda u baqaya iska fariistay iyo kumannaan shaqaalihii dekedda Muqdisho laga eryay ah.
Aqoonyahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duruufta ka jirta magaalada Muqdisho ay gaartay heer aad u xun, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay gabdho da’ yar muuqaal qurxoon oo raashin bisil oo hey’ad kariso saf ugu jira.
Dadka shaqo la’aanta ku ah magaalada Muqdisho waxaa kamid ah ardayda jaamacadaha ka baxday, kadib markii ay waayeen meel u qalanta oo ka shaqeyn karaan.
Waxaa jira qaar kamid ah dadka jaamacadaha ka baxa oo ay baagamuunda-nimadu ku kalliftay iney u shaqeeyaan, DF, shisheeyaha iyo hey’adahooda.
Ariinta iigu yaabka badan ayaa waxay tahay wiil jaamacad Sudan kasoo laabtay oo hey’ad shaqo ka helay, waxuu ii sheegay in mushaar ahaan loo siiyo 150$ (boqol iyo konton dolar) haba iska ahaato’e maxay tahay shaqada loo dhiibay? Wuxuu ii sheegay inuu ka shaqeeyo mashruuca dhismaha musqulaha kaamamka iyo tira koobka biyaha ay shubaan booyadaha!! Waa nin jaamici ah!.
Mid Kamida Ganacsatada magaalada Muqdisho oo waramay idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa sheegay in xaaladda caasimadda ka jirto ay saameyn ballaaran ku reebi doonto bulshada haddii aan degdeg wax looga qaban.
Halkan ka dhageyso wareysiga ganacsade Muqdisho ku sugan MP3
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS