Ismaaciil Cumar Geelle:Jabuuti waxay diyaar u tahay in ay qabato Shir looga hadlayo Gaabiska ku yimid Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

maxresdefault (1)
Xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusii luga fidnayso qeybo badan oo katirsan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayay qaar katirsan dowladaha dalka kusoo duulay muujinayaan walaac ballaaran.

Hoggaamiyaha xukuumadda dabadhilifka Jabuuti Ismaaciil Geele ayaa markale sheegay in xoogaga shabaabul Mujaahidiin ay halis ku yihiin dhammaan wadamada ciidamadoodu kusoo duuleen soomaaliya.

Isagoo khudbad ka jeedinayay xarunta Q.Midoobe ee magaalada New York ayuu Geelle sheegay in caalamka ay ka socdaan dagaallo halis gelinaya reer galbeedka iyo kuwa la shaqeeya.

“Argagaxisada caalamka halis ayay ku yihiin wadamada reer galbeedka iyo dowladaha ku fakarka ah,Al Shabaab Boko Haram iyo IS waa khatar hor leh oo sida looga adkaado ay adagtahay”ayuu yiri Ismaciil Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa soo jeediyay in wadankiisu uu marti geliyo shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha soomaaliya gaar ahaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Jabuuti waxay sheegtay in howlgallada ka dhanka ah xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya uu gaabis ku socdo sidaasi daraadeed loo baahanyahay in laga arrinsado xaaladda AMISOM.

“Jabuuti waxay diyaar u tahay in ay martigeliso shir looga arrinsanayo dardar gelinta howlgallada AMISOM ee Soomaaliya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Geelle.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa laba bilood gudahood qabsaday dhul ballaaran oo katirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com