Baydhabo oo gacanta gumaysiga Itoobiya gashay & wariye Nadaara oo ka dhex muuqda.

12043174_1150773378285440_5254347533975986157_n

Waxaa mudooyinkii dambe aad u soo badanayay siyaasadda Gumaysiga Itoobiya ee ku aadan dalka Somaliya taas oo Itoobiya dalka Somaliya ku yeelatay wakiilo & shaqsiyaas Somali ah oo ku qabsanayso dalka Somaliya.

Magaalada Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka si weyn ay culayska u saartay 20 sano ee ugu dambeeyay waxayna dhexgashay guud ahaanba gobalada Bay & Bakool oo ay markasta kula shirto siyaasiyiinta & waxgaladka gobaladaas ayada oo u sheegaysa in ay dantooda wado waxay ka difaacaysaa sida ay sheegto cadow Somaliyeed. Su’aashu waxay tahay wayo cadowga Somaliyeed ma shaqsi Somaali ahbaa mise waa Amxaarada doonaysa in ay gabi ahaanba la wargeegto dhulka Somaliya.

Waxaa halkan hoose ka muuqdo sawir aad u naxdin badan oo si weyn loogu sharxay calanka gumaysiga Itoobiya meel kamid ah magaalada Baydhabo, waxaa kale oo meesha fadhiya Wariye Cabduqadir Nadaara oo mudooyinkii dambe amaani jiray Itoobiya balse maanta ka muuqda halkaas waxaana ku tilmaami karaa Somaliya qaybo kamid ah in ay ku jirto gacanta gumaysiga Itoobiya taas oo u baahan in dib Somaliya looga xoreeyo gumaysiga Itoobiya ee duulaanka ku ah bur-burinta jiritaanka qaranka Somaliyeed.

12065644_1150773314952113_3433019144974725249_n