Wasiirka arrimaha Dibada ee gumaysiga Ethiopia ayaa nar uu ka qayb galay shir lagu qabtay magaalada Kismaayo wuxuu ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay.
Ninkaas wuxuu si cad u soo bandhigay sida ay dawladiisu dadka & dalka Soomaaliya u burburisay siyaasiyan & sida ay majaraha ugu ahayso ugana samaysay maamul goboleedo siyaasada Ethiopia fuliya, hadalda layaabka leh ee Soomaali damiirkeeda danqay waxaa ka mid ah “Soomaaliya nabad & caano ayay ku jirtaa”
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS