DHAGEYSO:-Xildhibaano Qaran “Soomaaliya Gacan Gumaysi Ayay Ku Jirtaa Waa in dalka La xureeyaa”

34872408

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aan dowladu ka jirin haba yaraatee dalkuna yahay mid gumeyste la wareegay.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in Sooamalidu gaar ahaan dhalinyaradu u istaagaan dalka xoreyntiisa.

Waxay ka qeyb galeen barnaamij dood ah oo mid ka mid ah talefeshinada Soomaalida ka baxay waxaanay tilmaameen in ciidamada shisheeye ee dalka jooga iyo qaabka ay u howl galaan aanay ka war hayn.

waxay hoosta ka xariiqeen in Dowladda federaalka ah ay u taliyaan ergeyga waxa qaramada midoobay loogu yeero Soomaaliya u qaabilsan iyo safaaradaha reer Yurub ee Muqdisho ku yaal.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS