Dhedo waa xiliga habeenkii ee la hurdo qabow yar oo ay cimiladu keento Subixii markaad soo kacdo aad dareemeyso qabow, ama waa wax roob u eke ah laakiin aan Roob aheyn dalka Soomaaliya oo ah dal ay Abaari ka saameysay dhinac weliba haday ahaaan lahayd dhinacayada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Hormarka, Caafimaad, xirriirka caalimiga, arimaha Bani’aadinmada, waxaa dhowr sano ka diba loo unkaa dowlad wadata magacyo u gaar ah sida KMG ama Federaal
Markii ay dhacday Dowladii dhexe waa tii dalka uu galay xaalad dagaal Sokeeya ah oo Soomaalidu ku baaba’een, xilagaas ka dib waxaa la qabtay shirar lagu heshiisanayey Soomaalida, shirarkaas waxaa lagu dhisay dowlado KMG ah ,waxaana Sanadkii 2000 markii ugu horeysey lagu dhisay Tuulada Carta ee dalka jabuuti waxaa madaxweyne ka noqday C/qaasin Salaad Xasan, xiligiisii waxa uu ku dhaameystey Khilaaf soo kala dhex galay wasiirkiisii Koowaad oo dowladiisee waxay yeelatay Sadex Ra’iisal wasaare oo kala ahaa Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax , iyo Max’ed Cabdi Yuusuf,Wax muuqda oo ay qabatayna ma jirto oo la taaban karo,!.
Waxaa xigay shirkii Eldored oo isagana lagu unkay Dowladii Cabdilaahi Yuusuf ee iyaduna KMG aheyd dowladaas laftigeeda waxay waqtiga ku dhameysatey isqabqabsi Siyaasadeed, waxayna yeelatay Sadex Raisal Wasaare oo iyana kala ahaa Cali Max’ed Geedi, Nuur Xasan Xusen Nuur Cade ,iyo Max’ed Max’ud Gacmo Dheerewaxaa dowladaas bedeshay Dowladii Shariif Sh Axmed oo heshiis la gashay dowladii Cabdilaahi Yuusuf iyana waxay martay wadadii ay mareen dowladiihii ka horeeyey oo waxay yeelatay Sadex Ra’iisal Wasaare oo kala ahaa Cumar C/rashiid, Max’ed C/laahi Farmaajo, iyo C/weli Max’ed Cali Gaas.
Dowladii KMG ee Shariif Sh Axmed markii waqtiga ka dhamaaday ayaa waxaa loo gudbay in la qabto shir lagu dhisayo dowlad rasmi ah oo wadanka yeesho taaso madaxweyne loogu doortay Xasan Shiikh Max’uud, magacii KMG oo loo bedelay rasmi, wax gooni ah oo is bedelayna ma jiraan oo dowlada Xasan Shiikh waxay mareysaa Sadex Raiisal wasaare oo kala ah Cabdi Faarax Shirdon Saacid C/Weli Sh Axmed Max’ed Iyo Cumar C/Rashiid oo weli xilka hayo hadana waxaa mooshin laga keenay Madaxweynaha waxaana uu hor yaalaa Baarlamaanka Soomaaliya , lama garan karo waxa uu ku dambeyn doono.
Hadaba aduunyada waa sadex, Shalay, Beri iyo Maanta
1) shalay waad soo dhaaftay haku shalaaynin waqtigii kaa tegay ee ku cibro qaado hana ku dagmin mar kale.
2) Maanta waxaad qaban laheydna ha ugu Sirmin waxaa soo dhaaftay ama aanad gaarin.
3) Beri u diyaar garow hormar ka sii balaaran midkii aad soo qabatay maanta iyo shalay.
Hadaba xagee wax si ka yihiin Soomaalida miyaa doonaysa DHEDO INAY ROOB KA DHIGTO oo raba nidaam la’aanta iyo Musuqmaasuqa hadii aan si kale u iraahdo Soomalidu ma sharci ka carar baa? miyaaney u soo jeedin dowladanimada oo waxaa la macaatay dowlad la’aanta oo ma wadankii ayey gateen oo waxay diyaar u yihiin in ay ka guuraan, xagee wax si ka yihiin oraah baa ahayd HASHO MAANKEYGA QAADEE MA MASAAR BAY LIQDAY hadaba DHEDO ROOB NOQON MEYSEE.
Caqliga Ha Shaqeeyo.
W/D Cabdulaahi Nuur Cali (Dabcan)
E-Mail abdallanuur@hotmail.com
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS