Professor Axmed Xaajji ayaa ka sheekeeyay hadafka Itoobiya iyo Kenya ka leeyihiin gayiga Soomaaliyeed oo ah in ay dalka boobaan lana wareegaan.
Wuxuu si qota dheer uga hadlay kuwa Soomaalida ah ee shisheeyaha jidadka tusaya dabadeedna u keenaya shacabka si ay u gumaadaan.
Wuxuu tilmaamay in xasuuqa Itoobiya geysatay mas’uuliyadiisa ay leeyihiin Soomaalida la sacota ee garabka u ah.
Wuxuu kuwa Itoobiya la socda ku tilmaamay dabadhilifyo calooshood u shaqeystayaal ah, loona baahan yahay Soomaalidu in ay iska dhacshaan oo ay meel uga soo wada jeestaan.
Halkan Ka Dhageyso Prof Axmed Xaaji
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS