Qorshaha gumeysiga Itoobiya iyo mooganaanta shacabka Somaliyeed laba kala fog

11222404_1685914481619981_1095316077350231352_n (1)

Itoobiya waa cadow soo jireena oo dadka Soomaaliyeed guud ahaanba leeyahay waana nacab jecel tirtirka jinsiga Somaliyed, waa cadoow colaadisu gaadhsiisantahay inuu maalkisa uga gaajoodo siduu Somali ugu baabin lahaa, dhanka kalana waa fuley cabsi ay ka hayso goorma Somali israacsan dhalan taas oo uu qabo inay khatar galineyso jiritaankisa.

Cadowga caynkaas ah ayaa hada isu muujiyay  inuu heley fursad u kaga takhalusi karo Somali dambe oo si xoriyadda ugu dul nool dhulkooda, gumeysigu wuxuu istusiyay inuu haysto fursaddii kama dambeysta ahayd ee u ku gaadhi karayay yididilooyinkisa baqaha ku dhisan.

Gumaysigu wuxuu isku muujiyay inuu qabsan karo dhulka Somaliyeed wixii ka maqnaa gacantiisa taasna wuxuu u dajistey qorshayaal u hadba ku fashilmo markuu mid ku fashilmaba u mid kala uga guuro, bilowgii horeba gumeysigu wuxuu qorsheyay habku ku qabsan lahaa goboladda Waqooyi ee Somaliya, awooda ugu weyn ee uu gumaysigu  isku haleynayay ayaa ahaa xubno xilal sarsare ka hayay goboladaas.

Damiir laawayaashi gumeysiga kala shaqeynayay qabsashadda dhulkooda waxay sameyeen talaaboyinkii suurta galinayay hadafkii xabashida ee ahaa gumeynta waxayna soo gaadhsiyeen heer ciidankii ka amar qaadanayay ay ugu labisaan direyska askarta gumaysiga, xilli ay goboladaasi qarka u saarnayeen in la qabsado waxaa dhacay dagaalkii waddanka Eritrea la galay  Itoobiyanka dagaalkaas oo dhacay 1998 ayaa dib u dhigey gacan galkii goboladda Waqooyi ee Somaliya.

Gumeysiga oo aan marna ka daalin kana quusan wax kasta oo Somali uu ku waxyeeleyn karo ayaa markale kusoo roogal celiyay habku ku qabsan lahaa goboladda Waqooyi Galbeed Somaliya oo xilligaas ahmiyadiisa koobad ahaa si u taasi uga dhabeyo wuxuu marka ku  milmey maamulkii cusuba ee xilligaas oo xubno sarsare ku yeeshey.

Gumaysigu wuxuu la wareegey awooda ciidanka wardoonka ee CID loo yaqaan ciidankaasi oo u  ka dhigtey qaar u ku ugaadhsado shacabka gumeysigiisa uga soo cararey Somali Galbeed, taladda goboladda waqooyina si dadban ayaa u hoos gashay gumeysiga Itoobiya, wuxuuna judhiba si hawl yar u fushadday qaar ka mid ah danihii uu ka qabsanayaay dhulkaas.

Wuxuu ku guulaystay isticmaalka dekadda Berbera oo si cashuur la’aan iyo baadhitaan  la’aanba ah ugala soo deggey hub, gumeysigu wuxuu sharciyaystey inaan  cashuur laga qaadin waxyaalaha dalkiisa u socda, sidoo kale gumeysigu wuxuu xubnaha maamulka sheeganayay ee ka amar qaadanayay ku amrey in cashuur yareyn u sameyaan waxyaabaha shacabka Itoobiyanka kala soo degayaan dekadda Berbera taasi oo loo sameyay cashuur yareyn ka hooseysa heerka kuwa ku socda gudaha goboladda Waqooyi ee waddanka Somaliya.

Gumeysiga oo ismulkisiiyay goboladda Waqooyi Galbeed Somaliya ayaa isku muujiyay inay kuwan gacantiisa kujiraan waxa ka dhimanina uu yahay goboladdii Konfureed ee Somaliya, sidoo kale gumeysigu wuxuu isku muujiyay in uu xoog ku qabsan karo goboladaasna, gumaysiga isaga oo dantiisu caynkaas tahay balse arimo kale ku raad gadanayaa ayuu gobolada Konfureed ee waddanka Somaliya galiyay ciidan faro badan oo hubkoodu u dhameystiranyahay.

Inkasta oo halkaas gumeysigu ku xasuuqey shacab iyo hooyooyin badan oo Somaliyeed hadan ma gaadhin yoolku lahaa waxaana khasab ku noqotey in dhalinyaradiisa dugsiyadda kujirtey  u tababaro degdeg ah soo siiyay isla markaasna soo galiyo gudaha dhulka Somaliya si ay u kaaban una asturaan ciidankiisii ku riiqdey xabadii waddanigii difaacayay ciidisa.

Gumeysiga Itoobiya oo aan ka quusan rajadiisi gumeysi tabartiisuna runta u sheegtey ayaa caqligiisa dib ugu noqdey wuxuuna isku qanciyay in habkii uu goboladda Waqooyi taladooda gacanta ugu dhigey oo kale ku qabsan karo guud ahaan geyga Somaaliya, isaga oo taasi ka duulaya ayuu dalka Somaaliya keeney nidaam u ku sheegey Federaal kaas ayaana ka hirgaliyay Somaliya.

Guamaysigu wuxuu soo xushey niman maanka Itoobiyan ka ah magacan Somaali ka ah kuwaas ayuuna taladda gobolkasta oo u maamulka sameyay u dhiibtey wuxuuna maamuladaas rag uu u  wakiishey u sheegey inay dhamaantood isaga wada hoos yimaadan iyaguna dhexdooda aaney ka yeelan xidhiidh.

Gumeysiga Itoobiya ma aha mid halkaas ku joogaya balse talaabada ugu dambeysaa oo gumeysiga dadka dhaqankiisa yaqaan qiyaasayaan inuu qaado ayaa ah habkii u wakiiladisaas iyo maamuladii u dhisayba uu toos ugu hoos gayn lahaa taliskiisa, gumaysigu wuxuu doonayaa inuu halkaas kusoo afjaro khariiradda Somaaliya.

Gumeysiga itoobiya ma aha mid ay awoodi waddo balse wuxuu ku socdaa waxkasta oo aanu awoodi karina isugu dayayaa waa colaada u jinsiga Somaaliyeed u hayo, tabar daradda gumeysiga waxaa xilli horeba  cadeyneyay soona bandhigay Ciidanka Waddaniyiinta ah ee u dagaalamaya xoreynta dhulka kheyradka eebe ku caam yeeley ee Ogaadeenya.

Askarta gumeysiga waxay Ogaadeenya dagaalo Ciiddana Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxaana askarta gumaysiga lagu jabiyaa goob aksta oo al isku afro saaro, tiradda badan ee ciidana gumaysigu ay  kusoo dagaal tagaan ma aha mid u guul ku gaadho mana laha awood u ku waxyeelen karo waddaniga hubeysan ee ka hor yimaada balse taasi beddelkeeda askarta gumeysigu waxay ku meereystaan dadka shacabka ah een hubeysneyn iyagga oo  faral ka dhigtey gubitaanka gurayaha iyo xidhxidhka waayeelka iyo haweenka.

Ugu dambeyntii qoraalkeenan waxaan ku soo xidheynaa in Itoobiya loo aqoonsado cadowga koobad ee Somalinimada ka dhinta, in Itoobiya loo aqoonsaado cadwoga koobaad waxaa ku jirta badbadinta jinsiga iyo siidhka Somalinimada

W/Q Mohamed Cabdi Ibrahim
Email muumin_de@hotmail.com