Kulan uu la sheegay in looga hadli lahaa xalinta mooshinkii ka dhanka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari qaban qaabinayay ayaa baaqday kaasoo qorshuhu ahaa in uu shalay dhaco.
Intaas kadib Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxay la xariirtay Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanda Mooshinka ka keenay Madaxweynaha eedaha faraha badan loo jeedinayo.
Wuxuu sheegay in gudoomiyaha baalrmaanku aanuu gar u lahayn in uu mooshinka hor istaago.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku celiyay warkii asiga iyo saaxiibadii ay horay u sheegeen ee ahaa in Xasan Sheekh is casilo in ay xal u arkaan.