FAALLO:- Barnaamijkii Murugada Soomaalida ee Universal TV Muqdisho, Maxaa kaaga baxay

34911749

Ummad waliba waxay leedahay Taariikh u gaar ah haday xumaan tahay iyo haday wanaag tahayba. Taariikhda Umadda Somaaliyeed waa mid Dahabi ah oon wanaageeda lasoo koobi karin. Hadaan ka eegno xaga Diinta waa bulsho Muslim ah. Hadaan ka eegno guurka iyo xididka waa dad si aad ah u maamuusa. Hadaan ka eegno xagga Marti soorka waa dad aan waxba cuninilaa oy Martidu dharagto. Hadaan ka eegno xagga is difaaca geesinimadooda iyo Guumaysi,diidnimadooda waxaa ka makhraati kacay Guumaystayaashii Cadaa oo habeena nabad u seexan waayay gayi Somaaliyeed, meesha ay Afrikaan badan taariikhdoodu tahay Cawaanimo, Qaawani iyo Bakhti cun oo hada uun wax iska dhigaya kadib markay fursadan yar ay haystaani soo martay.

Guud ahaamba Soomaalidu waxay ku abtirsataa Waalidiin halgamayaal iyo Geesiyaal ah, sida Sheekh Axmed Guray iyo Sayid Maxamed iyo kuwo kale oo badan. In umada Somaaliyeed la gaadhsiiyo heerkan ay maanta joogto, waxaa sababay cadowgeeda oo farabadan isuna kaashaday isagoo adeegsanaya xeelado kala duwan oo markay midi ka fashilantaba tukale soo maleegaya! Hadaad boog leedahay waxaa sida caadada ah isugu habar wacda Dakhsiga! Boogta Soomaalida oo Qabyaalad ahayd ayuu cadowgeedii isugu habar wacday mooyee, cidina xoog kuma jabiseen.

Markay burburtay dawladii Kacaanka ahayd waxaa durba bilowday inay ka faa’iidaysato Itoobiya oo ah cadow soo jireen ah iyadoo wadata buugaag ay ku qoranayso jilibada Somaaliyeed waxayna muddo sanooyin ah ku hawlanayd kala fogaynta somaalida walaalaha ah iyadoo u kala goynaysa Gobol Gobol iyo Qabiil Qabiil. Hadaad xasuusataan waxaa lasoo maray ciidamada Itoobiya oo haday xuuduuda soo gudbaan somaalidu gees ka gees ay af labadii dhawaaqdo taasoo itoobiya caqabad ku ahayd. Hase ahaatee waxay fursad heshay markay dawladaha waawayni ku dhawaaqeen inay la dagaalamayaan Ururo diineedyada Caalamka. Itoobiya oo uu u qarsoonaa Soomaali nacayb waxaan rumaysnahay inay qayb wayn ka qaadatay abuurida nidaamka faderaalka ee jaahwareerka ah.

XILDHIBAANADU SIRTA AY KASHIFEEN MA KA DHAB’BAA?

Xildhibaanada hadalka kasoo yeedhay ee ah somalia waxay ku jirtaa Gacan guumaysi waa mid xaqiiqada ku qotoma, waxayna u muuqdaan odayaal intii muddo ahaydba biyo cantuugsanaa. Waxaad moodaa inay is tuseen inay kuraasida durba waayi doonaan sidaa awgeedna ay Munaasib tahay inayna cadawga intaa kabadan kusii caawin uus xabaalka Dalka. Waxaa lagu kala saari karaa inay dhab katahay iyo inkale, waa haday sii wadaan abaabulkooda dadwaynaha xataa hadii dhib kasoo gaadhayo.

UNIVERSAL TV HADAFKIISA BARNAAMIJKU MUXUU AHAA?

Universal TV gaar ahaan maamulkiisu waxay dad badan oon anigu kujiro ka aaminsanyihiin inay xidhiidh hoose la leeyihiin Sirdoonka Itoobiya mana laha wax qadiyad ah oo rasmi ah oo somaalinimo. Waxuu si gaara ugu caanbaxay inuu la shaqeysto guumaystayaasha Jigjiga fadhiya ee Askarta Tigreegu kamid tahay iyo Cabdi Ilay oo ka hoos shaqeeya. Dhamaantood waxay ku heshiiyeen in la qariyo ciqaab wadareedka lagu hayo umada Somaaliyeed ee ku sugan Jigjiga iyo Gobolada kale. Hadaan usoo noqdo mawduuca xasaasiga ah ee Saxaafadda maalmahan kujiray waxaan u arkaa inayna jirin qiiro wadaniyadeed oy ka lahaayeen Barnaamijkaas Bahda Universal TV, Waxbana kuma aha inay raali galin buuxda ka bixiyaan wixii dhacay, isla markaana cadeeyaan inayna dib dambe ugu laabanayn.

HADAFKA AMISOM EE XAQIIQDA AH WAA MAXAY?

Amisom waxay u badantahay Afrikaanka dariska la ah Soomaalia waana dad ay cuqdadi buuxisay iyagoo ka xun dadnimada iyo kartida Soomaalida oo hadii la isugu geeyay xoog kasta in la baabi’iyo la kari waayay. Amisom waxaa dhaqaalaha siiya Hay’ado shisheeye oo dano gaar ah leh. Waxaana aad moodaa in iyaga qudhooda la khayaamay oo intii dhoobo la dhex dhigay lagaga dhaqaaqay. Dhanka dhibaatada ay shacabka Somaaliyeed u gaysteen waa midaan  la xisaabi karin, haday noqoto Baabuurta gaashaaman oo la dul mariyo shacabka iyo Gaadiidkiisa iyo sidoo kale toogasho toos ah oy dadka ku dilaan! Wali lama maqal cid magdhow laga bixiyay waxayna cadayn u tahay inay Soomaalidu kujirto guumaysi lamid ah kii ree Koonfur Afrika. Si kastaba ha ahaatee Meel uu lug ku leeyahay Nin uu Awow yahay Koofil ayayna marna dhici karin inuu tolo Kabo iyo Karin ay Soomaali leedahay wax ka wayn iskaba daaye. Dadka qaar ayaa rumaysan in Amisom tahay gurmad loo soo sameeyay Itoobiya oo ah in loo garbo duubo dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Hadalkii oo kooban Amisom oo markay muddo kasoo wareegtaba 100 Mayd ah Saxaafadda loo soo bandhigo, ayaa la isku waafaqsanyahay in waxa laayay uuna Kaneeco ahayn!

SOOMAALIDA MAXAA  KALA GUDBOON MARXALADAN CUSUB?

Soomaalida waxaa la gudboon inay is abaabulaan kana tashadaan Marxaladan cusub ee wadanku galay iyagoon u kala hadhin. Waa in la helaa hal urur oo xornimo doon ah oo leh siyaasad ku dhisan hami sare iyo midnimo. Waa in lahelaa saxaafad gaar ah oo urukaasi
leeyahay. Waa inay ku talo galaan inay soo wajahayaan dhibaatooyin iyo cadaadis sida, dil, xabsi iyo wixii la mid ah. Waa in habaaska laga jafaa Suugaan halgameedkii anoo sii bilaabaya waxaan leeyahay- Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa! waxaa la joogaa waqtigii ay soomaalidu ka gudbi lahayd ree Garas iyo ree Qansax una midoobi lahaayeen cadowgooda mar hadii la isla qiray in dalku guumaysi kujiro.

Sal iyo baar aan soo aruuriyo fariintan oon jeclahay inay gaadho guud ahaamba soomaaliwayn. Geela iyo Lo’da cidii ila fahmaysaa fahmaysee Markay dhalaan ee ilmuhu ka saqiiro, Caanahoodana baahi loo qabo, Xeelad baa loo dagaa kadibna Maqaar/Gandaal ayaa looga bixiyaa ilmaha, markasta oo la doono in la maalana Sankaa loo saaraa ileen horaa loo siraye, sidaasaana muddo labo Sano ah lagu maalaa. Taas micnaheedu waxaa weeye umada Soomaaliyeed waa la siraye ha  baraarugeen.

Ugu dambayn- Barnaamijkii Murugada Soomaalida ee Universal TV Muqdisho iyo inta hawada ka daawatayba waxaan waydiinayaa- Waa su’aal da’waynoo Madaxa daalinaysee, Dalka Soomaaliya yaa iska leh!!??

Qoraa madax banaan
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
samatobaxe2014@hotmail.com

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS