Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon oo maamulka Siilaanyo shaqo joojin ku sameeyay ka dib markii ka hadlay sida Xabashido u xukunto.

34911529

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala TV afka maamulka Somaliland ku hadla ayaa laga joojiyay shaqadii uu hayay, shaqo joojintan ayaa timid kadib markii uu Wariye Cabdimalik sameeyay filiman yaryar oo muujinaya sida uu gumaysiga Ethiopia unnada Soomaaliyeed ugu milmay una kala jarjaray.

Wariye Coldoon ayaa majaajilooyin ka sameeyay shir qaar ka mid ah madaxda gobolada maamulka Somaliland hoos yimaada & ciidamadamadooda loogu qabtay magaalada Diridhaba, shirkaas oo madaxdii tagtay ee maamulka Somalilnad matalaysay ay sheegeen in ay Ethiopia la saxiixdeen heshiisyo cusub ayaa dareen xoogan shacabku ka muujiyay.

Filamantaas & kuwo kale ayuu ka midahaa coldoon dadka matalay waxaana arrimahaas ka cadhooday maamulka Somalilnad, hadaba wariye Coldoon ayaa xaqiijiyay in shaqadii TV ga laga joojiyay halkan hoose ka akhri qoraal kooban oo uu bartiisa facebook ku shaaciyay.

“Shaqo joojin”

Waxa la igu wargaliyey shalay in shaqadii aan ka hayey muuqbaahiyaha qaranka somaliland (Slntv) la iga joojiyey, laguna sababeeyey filimaan gaagaban oo aanu ka matalay arimo loo arkay in ay ka dhan ahaayeen xukuumadda.

waxaana ka mid ahaa filimaantii ugu dambeeyey aanu matalo aniga saaxiibaday siciid iyo cabdiqaadir :
1- feedhka cirro 2- hankaagu hadhaafo haamaha 3-xanta aan la xusin xabshi xabaashay xurmadeenii 4- xadhiga xidigaha geeska 5-siyaasadda mucaaradka.

Ma noqonayso talaabadan ay qaaday wasaarada warfaafintu mid hor istaagaysa muujinta afkaarta iyo aragtida aanu ka leenahay arimaha nagu xeeran.

C.maalik Sh.Muuse Coldoon.

Waran Cade “Itoobiya walaalo ayaan anahay”

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS