Iyadoo reer Muqdisho ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyinka kaga imaanaya Dowladda Federaalka ah iyo shisheeyaha soo duulay ayaa imanka loogu sii daray in lagu yiraahdo cidii aan gurigeda lacag canshuur ah dhiibin xukuunkeedu wuxuu noqon karaa in la dilo.
Warkaasi waxaa si cad u sheegay ninka ku magacaaban xeer ilaaliyahaa dowladda feederaalka ah ee kaasoo muddo dheer Dowladda Itoobiya ak tirsanaa.
Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Maamulka Gobalka Banaadir soo qaban qaabiyay ayuu ka hadlayay waxana arintaan la qaba duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ka mid ahaa dadkii madaxa u ruxayay.
Muungaab ayaa asna goobta ka sheegay in ay canshuurta u aruurinayaan waxa uu tilmaamay hab casri ah.
Halkan ka dhageyso Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Dr Axmed Cali Daahir.lite
Dadka ku dhaqan Muqdsiho waxay tilmaamayaan in aan arintaan loo dul qaada karin.
Waxay sheegayaan in loo baahan yahay in indheer garadku ay keeanaan tilaabo kale oo la qaado maadaama lagu hunguubay Maamulka federaalka ah ee miciyaha ku dhiig laha ah kuna naaxay dhiigga Umadda Soomaaliyeed.
Waxay sheegeen in Qorshahaanu uu yahay mid Itoobiya laga soo abaabulay lacagta dadka laga qaadana aanay federaalka oo keliya qaadanayn ee ciidanka shisheeyana ay wax ku leeyihiin.
Nin ku sugan Muqdisho oo ka hadlaya warka Dowlada kasoo baxay.