DHAGEYSO:-General Saneey iyo Gaashaanle Sare Yacquub oo Rajo Xumo kamuujiyay Masiirka Sarkaal ugacan galay Alshabaab.

34916866 (1)

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhawaan soo bandhigtay gaashaanle sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka kaasi oo ay kasoo qabteen dulleedka degmada Afgooye ee shabeelaha Hoose.

Gaashaanle Maxamed Xaaji Cali oo ku jira Gacanta Alshabaab ayaa usheegay raadiyaha ku hadla Afka Alshabaab inay dayacday Dowladda Federaalka ee uu madaxda uyahay Xasan Sheekh.

Hadabada Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa waraysi ka qaaday laba sarkaal oo katirsan Dowladda si wax looga ogaado taariikhda Maxamed Xaaji Cali oo ah sarkaalka ku jira gacanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Generaal Saneey oo kamid ah saraakiisha Dowladda ayaa ka sheekeeyay qeyb kamid ah taariikhda Gaashaanle sare Maxamed Xaaji, wuxuuna sheegay inuu aad uyaqaanay islamarkaana uu ka xumaaday in ninkaasi uu uagacan galay Alshabaab.

Madaxa Hogaanka Maamulka Lacagta Dowladda Gaashaanle Sare Yacquub Maxamed Siyaad oo ay isla shaqeynayeen  gaashaanlaha ugacan galay Xraakada shabaabul Mujaahidiin ayaa walaac ka muujiyay masiirka Maxamed Xaaji Cali.

Dhagayso Hadalada Generaal Saneey iyo Gaashaanle Sare Yacquub Maxamed 

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.