Soomaaliya waa dal ku yaal geeska Afrika, waxaana degan dad Musliniin ah,Soomaali ah, wuxuuna leeyahay Taariikh dheer iyo dagaalo ay la galaan kuwa soo duulay,dagaalkaasna weli waa ka socdaa gayiga Soomaaliyeed,waxaana la is hortaagan yahay kuwii waligiid soo duuli jiray,kuwaas oo leh wajiyo kala duwan, kuna socda qaabab kala duwan iyo wajiyo kala duwan.
SAYID MAXAMAD CABDULLE XASAN,AUN wuxuu ahaa geesi aan gabbasho aqoon, xeeldheere diineed oo dood adag iyo gabayaa fiiro iyo fahmaba ALLAH weyni siiyay. Sifaalahan iyo wada-jirkoodu waxay siiyeen Sayidka shakhsiyad la yaab leh oo tayo sare ah. Shakhsiyaddaa adag waa tan u suura gelisay inow Sayidka ay Daraawhiiba ka tagaan Taariikhda aan la ilaabin ee ilaa ito maanta la hadal hayo.
DHAGEYSO:-TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED,QEYBTII 2AAD.
DHAGEYSO:-TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED.,QEYBTII 3AAD.
DHAGEYSO:-TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED,QEYBTII 4AAD.
DHAGEYSO:-TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED,QEYBTII 5AAD.
SHEEKH JAAMAC CUMAR CIISE,AUN.oo wax badan isku taxallujiyay ururinta murtida iyo taariikhda Soomaalida, gaar ahaan Daraawiishta iyo SYL. wuxuu ku dadaalay inow buugag ku soo shaac baxsho dhinacyo badan oo ku saabsan taariikhda Daraawiishta oo aqoon haboon aan hore loogu lahayn; waxaan shaki ku jirin.
Waxaa run ah inow Sayidku ka dhiidhiyey Xukunkii Dalka Soomaaliyeed oo dad qalaad” Ajaanib” gacanta ku dhigeen. Wuuna rumaysnaa inow yahay waajibka sare ee qofka Soomaaligu inow dhulkiisa xorayntiisa ka qeyb qaato,soona celiyo sharaftii Ummadda Soomaalida ay lahayd isticmaarkuna waxyeelleeyay.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.