Gaari Uu La Socday Muungaab Oo Askari Ka Tirsan Booliska Ku Jiiray Muqdisho.

CLXPWgEW8AA09Ci

Gaari uu lasocday gudoomiyaha magaalada Muqdisho ugu magacaaban dowlada  federaalka ninka lagu magacaaba Xasan Muungaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Dharkenley ku jiiray askar ka tirsan booliska dowlada federaalka.

Shilkan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley,waxaana la xaqiijiyay in askariga gaariga uu jiiray isla goobta uu ku geeriyooday.

Askarigan ka tirsan maleeshiyaadka booliska dowlada  federaalka ee uu jiiray gaariga Muungaab ayaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Kaakow,waxaana uu ka mid ahaa maleeshiyo Beeleedka  Booliska ee ka howlgala degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS