Ciidamada Shisheeye Amisom ayaa isaga baxay Gendershe oo kamid ah Gobalka Shabeelaha Hoose.
Shisheeyaha ayaa halkaasi ku dilay nin lagu Magacaabo Suldaan Siidow Maxamed oo kamid ahaa waxgaradka Magaalada.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Ayaa ka xumaaday dilka bareerka ah ee shisheeyuhu kula kaceen Suldaan Siidow Maxamed.
Mid kamid ah odayaasha dhaqanka Gobalka oo xalay uwaramay idaacada Alfurqaan ayaa sheegay shisheeyaha shalayto in madaafiic culus ay ku garaaceen Gendershe iyo Tuulooyin kale oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Shacabka Ku dhaqan Gendershe ayaa nabad ku heystay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo muddo ka talinaysay deegaanka.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka naga soo gaaray Gendershe ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid degan islamarkaana deegaanka ay kusoo noqonayaan dad shalay ka cararay duullaanka shisheeye.
XIGASHO RADIO ALFURQAAN.