Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay ciidmada gumaysiga Ethiopia dumiyeen Masaajid qadimiha oo lagu magacaabo Badiici kuna yaala xaafada 05 (Jaraaqato) oo soo hor jeedka Hospital ka Kaaraamardha ee magaalada Jigjiga, ciidamada gumaysiga Ethiopia ee shacabka Soomali Galbeed dulmiga joogtada ku haya,dhaqan xumadana ku caanbaxay ayaa shalay dumiyay Masaajidkaas oo kuwa ugu waaweyn ka mid aha.
Sababta ay aaskrata gumaysigu masaajidka u dumiyeen ayay ku sheegeen inay meesha wado ama jid ka dhigayaan,dadka degaan ayaa sheegay in qorshaha Masjidka lagu dumiyay uu yahay mid lagu lagu bahdilayo shacabka Muslimka ee Soomaali Galbeed.
Xogtan la helayo waxay sheegaysaa in duminta laga leexinayo xaafadaha ay Xabashidu magaalada Jigjiga ka daganyihiin halka aan Soomaalida loo aaba yeelaynin dhismayaasha muhiimka ah ee ay Masaajidadu ka midka yihiina la bartilmaameedsanayo.
Si kastaba ha ahaatee duminta Masaajidka iyo Dufsiyada Quraanka ayay shacabku aad uga xumaadeen balse ma awoodaan inay ka hadlaan, ciidanka gumaysiga ayaa u taagan waxyelaynta iyo dhibaatayn shacabka Soomaalida Galbeed oo ah kuwa aan hubaysnay waxayna Allaah ka baryayaan in dhibaatada ka saaro gumaysigana uu ka dul qaado.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS