Sarkaal u hadlay Booliska Muqdisho ayaa sheegay inuusan fiicneyn wada shaqeynta kala dhaxeysa shacabka ku nool meelaha ay ka howl galaan Maleeshiyo Beeleed Dowlada Federaalka.
Maxamed Cumar Madaale oo ka qeyb galayay shir la yiri waxaa looga soo horjeedaa waxa loogu yeero Argagaxisada oo ay qabteen hay’ado Shisheeye iyo NGO-yaal Soomali leedayahay oo qaraabta waxyabhaas, kaaso shalay ka dhacay Xayndaabka shisheeyuhu ka degan yahay Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaan waligeed helin taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo Maleeshiyeedkeeda,waxayna u arkaan bahalo ama eeyo caraysan oo aan waxba dhjaafayn!
Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay inaaney fiicneyn wada shaqeyntii loo baahnaa inay dhexmarto iyaga iyo shacabka madaama ay tahay mid muhiim ah sida uu sheegay.
Wuxuu sheegayinay saldhigyo ku leeyihiin Muqdisho oo dhan hadana waxba aysan karin,isaga oo qariyay in maalintii ay Isbaaro dhigtaan, dadkana boobaan ka dibna markii qoruxu dhaco ay xaroodaan.
“Ma shaqeyn karno shacabka la’aantii, waa muhiim in la wanaajiyo xiriirka aan shacabka la leenahay”ayuu mar kale yiri Madaale oo miyad xumo ka muuqato.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS