DHAGEYSO:-Xildhibaan Magan ka hadlay banaabaxii Garbahaarey iyo gumeysiga dalku ku jiro.

34958289

Maxamuud Cali Magan oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka ah ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay doonayaan gobalka Gedo in aanuu ka dhaqan gelin  qorshaha Itoobiya iyo Axmed Madoobe wataan oo ah in ninka Canjeex la yiraahdo Gobalka Madax ka noqdo.

Waxa uu ka faaleeyay isu soo bax ay dhigeen iyo tilaabooyinka ka careysiiyay ee Itoobiya ay qaaday.

Wareysiga oo ah mid dheer ayuu ku sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ay kaalintoodii gabeen oo awoodda shisheeyuhu shaqeynayso.

Waxa uu dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay in ay dalkooda cadawga ka difaacdaan.

Wuxuu sheegayaa haddii aan hadda loo tafa xeydan wax ka qabashada xaaladda jirta in ay gaari doonto meel aan wax laga qaba karin.

Dhagayso Maxamuud Cali Magan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS