Maleeshiyaadka Maamulka Axmed Madoobe ee gumeysi kal kaalka ah ayaa barakicin Dil,Dhulboob,Afduub iyo Madaxfurasaho ku haya dadweynaha ku nool Xaafado ka tirsan agaalada Kismaayo, kadib markii ay bur burin ku billaabeen guryihiin ay dadkaasi daganaayeen.
Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Maamulka Jubbaland isku magacaabay ay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka magaaladaasi ku nool, waxayna tilmaameen in bur burinta guryaha sharci darrada ah ay ku sheegeen ka sokow ay geystaan falal isugu jira dil, kufsi, dhac iyo Musaafurin.
Mid ka midka ah waxgaradka reer Kismaayo ayaa ka warramay dhibaatadaas ka taagan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Voice Of Somali -SOMALI LEAKS