DHAGEYSO:-Siyaasiga Cali Daacuun oo Weerar Afka ah ku Qaaday Xasan Sheekh.

34963446

Siyaasiga Cali Maxamed Axmed oo Loo yaqaano Cali Daacuun ayaa sheegay in Dalka Gumeysi uu ku jiro islamarkaana shisheeye uu ilaaliyo madaxda Dowladda.

Itoobiya ayuu sheegay in dano ay ka leedahay Soomaaliya iyadoo dooneysa xeebta Soomaaliya.

Cali Daacuun wuxuu qiray in Soomaaliya aysan madax banaaneyn oo shisheeyu uu utaliyo.

Wuxuu soo hadal qaaday hab dhaqanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh.

“Xasan sheekh ayaa diidan dastuurka wuxuu rabaa inuu soo noqda markale”ayuu yiri Cali Daacuun.

“Boob,Musuq maasuq,iyo dadka oo la iska laayo ayaan ku sifeyn karaa wuxuu qabtay Xasan Sheekh Mudada uu xilka hayo”ayuu yiri Cali Daacuun.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS