War rasmi ah oo kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in shaqada ururka ee soomaaliya ay caqabado daran soo wajaheen kadib markii xoogaga Shabaabul Mujaahidiin xoojiyeen weerarada ka dhanka ah shisheeyaha soo duulay.
Mas’uulka Q.Midoobe u qaabilsan Somalia ayaa warbixin uu siiyay Banki-moon wuxuu ku sheegay in wax laga bedeli doono howlgallada ciidamada AMISOM ee iyo qaabka shaqada ee xafiiska siyaasadda ee Q.Midoobe.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sare u qaadeen weerarada dhabagalka ah oo ay ku qaadaan kolonyada saadka ciidamada AMISOM iyagoo adeegsanaya miinooyinka dhulka lagu aaso iyo weeraro fool ka fool ah.
“aad bay u liidataa xaaladda soomaaliya waxaa gaabis ku socda howlgalladii ciidamada Midowga Afrika tusaale ahaan weerarada ka dhanka ah AMISOM iyo Q.Midoobe waxay afar jabaarmeen bilihii lasoo dhaafay”ayaa lagu yiri warbixinta.
Sidoo kale xafiiska UN-ka ee soomaaliya wuxuu walaac ka muujiyay ugaarsi dheeri ah oo lagu hayo dhammaan dadka la shaqeeya Q.Midoobe kuwaasi oo bartilmaameed u ah islaamiyiinta oo loola jeedo mujaahidiinta Al Shabaab.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in uu aad u xunyahay xiriirka u dhaxeeya saraakiisha ciidamada DF-ka iyo kuwa AMISOM islamarkaana shacabka ku nool magaalooyinka ay AMISOM qabsatay aysan wax cilaaqaad ah la laheyn shisheeyaha.
Wakiilka midowga Afrika ee soomaaliya ayaa isna soo jeediyay in meelaha ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM laga hirgeliyo mashaariic sida furidda isbitaalo si dadka soomaalida loosoo jiito.
Warbixinta walaaca ah ee kasoo baxday Q.Midoobe ayaa banaanka soo dhigaysa awoodda shabaabul Mujaahidiin iyo tabardarrida ciidamada shisheeye ee soomaaliya kusoo duulay.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com