Wax ka bedelka lagu sameeyey muuqaalka calanka Soomaaliyeed laguna soo bandhigey shirka ka dhacay magaalada muqdisho in lagu soo beegey iyadoo isla maalintii shaley oo ku beegneyd 19 Oktobar dalka Itoobiya looga dabaal degayey maalinta calanka cusub ee ay sameysatey Itoobiya.
Waxaana arintan ay shaki weyn sii gelisey indheer garadka iyo shacbiga Soomaaliyeed oo arintii ka dhacdey Xalane ‘Xamar’ si xoog leh uga qeyliyey diideyna muuqaalka bedelan ee calanka Soomaaliyeed lagu sameeyey ogowna in qeyladii ka dhalatey darteed maanta gebi ahaan laga fujiyey meelahii shaley lagu xardhey muuqaalkii calanka loo ekeysiiyey kan soomaaliya ee ajnabigu ay goobtii shirka ka socdey kusoo bandhigeen.
Qore; Abdulahi Nur Colombo
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
Voice