Ciidamada Itoobiy ee duulaanka lagu keenay gayiga Soomaaliyeed waxaa wehliya ama la socda haween iyo caruur fara badan,waxaana dadka Baydhabo degan la yaabeen markii haween iyo caruur ku arkeen Magaalada kuwaas oo sawiro la galayay Haween qurbajoog ah oo la shaqeeya hay’adaha hoos taga qaramada Midoobay.
Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday qaar kamid ah gobalada Soomaliya soo dhaweynta iyo amaanta Gumaysiga Itoobiya oo soo huwaday shaatiga Amisom kaas oo ah qorshe lagu qabsanayo guud ahaanba dalka Soomaliya.
Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lagu xusayay meelo kamid ah dalka Somaliya xafladaha laga dhigo Addis Ababa kuwaas oo ay maamulada Soomaliya isku si looga xusay. Waxaa kale oo ka socda magaalada Baydhabo abaabul xoogan oo ay wadaan Habro Itoobiyaan ah kuwaas oo baraya dhaqanka Itoobiya iyo qorshaha qarsoon ee ay ka doonayaan guud ahaanba dalka Soomaliya.
Sawirada waxaa ka dhex muuqada taliyaha ciidamada Etoobiya u qaabilsan Bay/Bakool Gen.Yemane Gabre.
DHAGEYSO:-Xabashido waxay Soomaali ku haysato.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.